Taariikh kooban oo ku saabsan Marxuum Cumar Carte Qaalib

0

Allaah ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib oo shaqadiisii ugu horeysay ay ahayd macalinnimo waxa uu xilalkiisii shaqo ee ugu horeeyay ahaa maamule Dugsi waxbarasho, isagoo ka dibna noqday maamulaha guud ee Dugsiyada hoose Magaalada Laascaanood, Burco iyo Hargaysa shaqooyinkan oo uu u soo kala qabtay sida Dugsiyadan qoraalkoodu isugu xigo.

 Ka hor intii aanu tegin Waddanka Boqortooyada Ingiriiska sannadkii 1956-kii, waxaa loo magacaabay maamule-ku-xigeenka dugsigii dhexe ee Sheekh, iyadoo ay shaqadadaasi  noqotay mid uu ku kasbaday shaqo-wanaag iyo waxbarashadii dugsigsigaas oo horumar ballaadhan ku tallaabsaday, marxuumku waxuu haddana waxbarasho sare u doontay dhinacaas Ingiriiska, isla markii uu Cumar Carte dalka dib ugu soo noqday waxaa loo dallacsiiyay maamulaha koowaad ee dugsiga dhexe ee hoyga ahaa ee Gabiley.

Cumar Carte Qaalib waxa kale oo uu madax ka noqday Ururo Shaqaale iyo Xusbiyo siyaasadeed oo uu ahaa shaqsiga ugu sareeya.

Allah haw naxariistee Cumar Carte waxuu noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadahii 1969 ilaa 1977, isagoo muddadaa uu wasiirka arrimaha dibadda ahaa ee bishii Jeenawari 1972 uu noqday Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay.

Sannadkii 1972 waxa uu hogaaminayay, udub-dhexaadna u noqday dhexdhexaadintii lagu soo afjarayay dagaal u dhexeeyay Tansaaniya iyo Yugaandha, waxa kale oo uu ku guulaystay in dawladdii Soomaaliyeed ay xubin ka noqoto Ururka Jaamacadda Carabta sanadkii 1974 kii.

Cumar waxuu noqday shaqsiyaadkii ugu caansanaa ee wadamadii Africa waxaanu door shariif ah ka soo ciyaaray sumcadda meeqaamkii Dalweynahii Soomaaliya iyo dalalka Carbeed, ka dib markii xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda laga qaaday sannadkii 1977 waxuu soo qabtay xilal dhawr ah oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka golaha shacabka Soomaaliya iyo Wasiirka madaxtooyada iyo Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare.

Xiliyadaas oo uu jirey dagaaladii Itoobiya iyo Soomaliya ayaa waxaa si weeyn u soo ifbaxay khilaaf ballaadhan oo u dhexeeyay Cumar Carte iyo Madaxweynahii Dal weynahii Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare, taasi oo lagu kala aragti duwanaa sida ay dagaalkaas uga qayb qaadan lahaayeen Jabhadahii Soomali Galbeed, Khilaafkaasi oo muddo badan qaatay waxuu sababay in sannadkii 1982 laga qaado xilkii gabi ahaanba waxaana taliskii Mulatariga ahaa ee Soomaaliya ka arriminayay ku eedeeyay Khiyaamo qaran waxaana lagu xukumay Dil toogasho ah.

Dadaalo badan oo ergooyin ka tirsan wadamada caalamka iyo culaysyo siyaasadeed oo lagu baajinayo Dilka Cumar Carte iyo Siyaasiyiin kale oo taliskaasi u xidhnaa ayaa baajiyay xukunkaas dilka ah oo loogu beddelay xabsi dheer isagoo markaasi xidhnaa toddoba sannadood sidoo kale haddana waxaa xabsigiisii loogu bedelay xabsi guri.

Bishii Jenanwari 1991 kii oo ahaa xiligii uu sii dhacayay xukunkii kacaanka  ayuu Madaxwayne Siyaad Bare Cumar Carte Qaalib ka codsaday in uu soo dhiso dowlad cusub oo wada xaajoodyo la geli doonta Jabhadahii dagaalka ka weday Soomaaliya xiligaa Cumar waxaa lagu xusuustaa odhaah wax weyn u tartay Jabhadahii la dagaalamay dawladdii mulatariga ahayd taasi oo uu yidhi; ‘Dhammaan ciidamada dalku waa in ay isku dhiibaan Jabhadaha ka dagaalamaya qaybaha kala duwan ee dalka.’

Allah haw naxariistee Cumar Carte Qaalib waxuu degay waddanka Boqortooyada Sucuudi Areebiya halkaas oo Boqorkii Sucuudigu ku maamuusay dalkiisa

1993 ayuu Marxuunku ka qayb galay shirkii beelaha Somaliland ee Boorama, waxaanu ku dhawaaqay in uu u tartamayo Madaxweynaha Somaliland, taas oo markii danbe lagu doortay Allah haw naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, muddadaas marxuunku waxuu noqday oday Somaliland ah oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba jooga.

Marxuunka ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku xannuusaday Magaalada Hargaysa taas oo maanta 18/11/2020 xaqii u yimi waxaana lagu aasi doonaa magaalada Hargaysa.

W/Q: Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye