Tababare Carlo Ancelotti Oo Diiday Fikrada Ah In Wakhtigii Barcelona Uu Soo Dhamaaday.

0

Spain (Berberanews Sports):- Macalinka Paris Saint-Germain Carlo Ancelotti, ayaa aaminsan in kooxda Pep Guardiola aanay waxba ka dhimi doonin guuldarooyinkii kasoo gaadhay semifinal kii champions league iyo horyaalka dalka, oo ay soo noqondoonto xili ciyaareedka soo socda iyaga oo sidii hore kasii xoogan

“Inta ay kooxda joogaan Messi, Xavi, [Andres] Iniesta sideed u odhan kartaa wuu dhamaaday wakhtigii Barcelona” ayuu way diiyay warihii.

“Runtii wakhtigii Barcelona muu dhamaan waxa ay soo noqon doonaan iyaga ka adag si kasta oo ay ahaayeen” ayuu sii raaciyay hadalkiisii Carlo Ancelotti

“Waxay yidhaahdeen qaab ciyaareedkii Messi wuu dhamaaday, sababtuna waa rikoodhihii uu khasaariyay, laakiin tan kaliya waa dhaleecayn ku socota Messi oo ah ciyaartoyga dunida ugu wanaagsan hada, Guardiola waa nin aad u khatar ah wuxuu gaadhay guulo badan, islamarkaana waxa uu aduunka ku madadaalinayay muddo falsafadiisa kubadeed.”

“Waxaa laga yaabaa in ay waxoogaa daaleen iyo waliba in aan tirada ku darno xooga usoo kordhayay kooxda ay ficiltamaan, Real ayaa ahayd kuwo horusocod leh isla markaana uu xoogoodu soo kordhayay mudo, waanay u qalmaan horyaalnimada” ayuu hadalkiisii kusoo afmeeray macalinka Paris Saint-Germain Carlo Ancelotti.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports