Tahajudka, Covid19 & Sheekh Khaliil Qalinkii Suleiman Ismail Bulaleh

0

Sheikh Khaliil Wasiirka Diinta meesha waxa uu u joogaa danaha Urur diimeed ka Mayalka adag ee Ictisaam.

Dan iyo muraad kama leh xanuunka Covid19 ee habeen kasta lagu kala qaadayo Salaadaha Sunaha ah ee Tahajudka oo aqlabiyada dadka buuxdhaafiya Masaajidadu aanay tukanin salaada subax ee faralka ah, balse Tahajudka u taga for fun.

Haddii Ictisaam masaajid ka dhisanayso dayrka Dugsiga Sheekh bashiir dhexdiisa Wasiir Khaliil qafqaftiisa kama aynaan nasaneen, xataa qaadhaan buu ina waydiin lahaa.

Diinta islaamku muhimada 1aad waxay siisaa Caafimaadka dadka , iyadoo xasuuq Covid19 ku socdo dadkeenii ayay xukuumadu wax xakamayn ah aanay samaynaynin, waa NASIIBDAROOYINKA SOMALILAND HAYSTA QARNIGA 21.

3 bilood ka hor waxan sii saadaaliyay in inta ka horaysa 31 May 2021 Covid19 ka dili doono shacabka Somaliland in ka badan intii 1980s kii ay Faqash ka dishay.

Hadeer 75% qoysaska Somaliland geerida Covid19 ku way saamaysay oo ugu yaraan xubno qoyska ka tirsan way u dhinteen xanuunkan Coronavirus.