Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland oo Wershad Tabobbar ka furay Xabsiga Mandheera

0

Hargeysa-(Berberanews)- Taiyaha Ciidanka Asluubta ee Somaliland Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray Wershadda tabobbarka Xabsiga Mandheera ee gobolka Saaxil.

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo hadal ka jeediyay furitaankii Wershaddaas ayaa tilmaamay inay Ka qayb qaadanayso dhaqan-celinta Maxaabiista ku xidhan Xabsigaas. Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax waxa uu xusay in guud ahaan xabsiyada dalka ay ka hirgelin doonaan wershada tababarka maxaabiista si loo ilaaliyo loogana faa’iideeyo muruqa maxaabiista isagoo intaas ku daray inay hawshani ka qayb qaadanayso sidii ay u soo bixi lahaayeen maxaabiis jidh ahaan iyo caafimaad ahaan caafimaad qaba kana taxadirsan denbiyada ay galayaan.

Maxamed Xuseen Faarax Xiirane waxaa kale oo uu sheegay inay xabsiyada hargaysa iyo mandheeraba ay ka hirgashay joojinta nooc kasta oo ka mid ah balwadaha taasina ay qayb ka qaadanayso sida uu xusay dejinta Maxbuuska.

Taliyuhu wuxuu ugu baaqay maayarada Magaalooyinka waaweyn ee dalka ee xabsiyadu ka furan yihiin inay ka qayb qaataan hawlaha dib u dhis ee laga wado isla markaana uu maayar waliba u iibiyo hal iska rogo .

Taliyaha waxaa socdaalkan ku wehelinayay Hogaanka hawlaha xabsiyada,hogaanka tababarka iyo qorshaynta mashruucana,taliyaha Xabsiga Muuse Abokor Qoorsheel waxaa Mashruucan maalgalisay hay’ada Yuriido.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.