Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Shariif oo kaga qayb galay waddanka Turkiga shir sanadeedkii ururka International Police Academies Association

0

Berberanews-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Shariif Sheekhuna Maye ayaa tan iyo 18 kii bishan april 2012 socdaal shaqo ah ku joogay dalka Turkiga .

TAliyaha ayaa sababihii uu u tagay waddanka Turkiga waxa ka mid ahaa inuu halkaas madaxda dalkaas kula yeesho kulamo looga hadlayo sidii dowladda Turkigu gacan weyn uga geysan lahayd din u dhiska iyo kor uqaadista tayada ciidanka booliska Soomaaliyeed

Sidoo kale Gen Shariif Sheekhuna Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu kaga qayb galay shir sanadeedkii koowaad ee ururka caalamiga ah ee loo yaqaan INTERPA “International Police Academies Association” kaasoo ah ururu ay ku mideysan yihiin ciidamada Booliska ee dhowr iyo afartan dowladood oo ka mid ah dowladaha adduunka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa intii uu shirkaas ka qayb galayay wuxuu u gudbiyay shir guddoonka codsi ku saabsan in ciidanka booliska Soomaaliyeed loo oggolaado inuu xubin ka noqdo, taasoo ka qayb galayaashii shirkaas iyo shir guddoonkuba ay oggolaadeen codsigii Soomaaliyeed.

Sareeye Guuto Shariif Sheekhuna Maye ayaa intii uu ku sugnaa waddanka Turkiga wuxuu booqashooyin kala duwan ku soo maray goobo kala duwan oo ku kala yaal magaalooyinka Ankara,Istanbul iyo Anatalya waxaana goobahaas ka mid ahaa taliska ciidanka booliska ee Turkey,dugsiga tababrka ciidamada booliska ee Turkey,xarunta ciidamada dambi barista ee Turkey, isbitaal ay ku jiraan bukaamada Soomaaliyeed ee ay dowladda Turkigu gargaarka caafimaad u fidiso iyo weliba isbitaalka ciidamada ee dalkaas Turkey.

Taliyaha ciudanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto ayaa goobihii uu soo booqday waxaa warbixino kala duwan ku siiyaya madaxda iyo howlwadeenada ka qaybgala xarumahaas.

Taliyaha oo illaa iyo haatan dalka dibaddiisa ku maqan ayaa inta uu howshaas qaran gudanayay waxaa beryahana qaar ka mid ah websiteyada soomaalida waxaa lagu daabacay hadalo been abuur ah oo lagu sheegayo in taliyuhu uu istiqaalad u gudbiyay madaxweynaha, taasoo ah war been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn loogana gol leeyahay in lagu jahwareeriyo bulshada Soomaaliyeed isla markaana tashwiish lagu furo dadaalada dib u soo nooleynta ciidamada Booliska ee uu Jananku wado.

General Sheekhuna ayaa muddadii sannadka ahayd ee uu hayay xilka taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed wuxuu wax weyn ka qabtay dib u dhiska ciidanka iyo weliba isagoo xoogga saaray sidii ciidanku u heli lahaa mushahar ku filan oo ay noloshooda iyo tan qoyskooda ku maareyn karaan.