Taliyaha Ciidanka Difaacada iyo Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ka warbixiyey Tirada Budhcad-badeed ay maanta qabteen

0

Hargeysa-(Berberanews)-Taliyaha Ciidanka Difaaca iyo Ilaalada Xeebaha ee Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan ayaa cadeeyay in Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Somaliland ay Maanta Gacanta ku dhigeen Afar Budhcad badeed Somali ah iyo Hal Laash kuwaas oo laga soo qabtay deegaanka Bulo Xareed oo dhinaca bari ka xigta Magaalada Lughaya .

Taliyaha Ciidanka Difaaca iyo Ilaalada Xeebaha ee Somaliland ayaa war uu maanta siiyey qaar ka tirsan Warbaahinta dalka ku xaqiijiyay in hawlgal ay maalmihii u danbeeyay ay  wadeen Ciidamada Ilaalada Xeebuhu ay ugu  suuro gashay inay gacanta ku soo dhigaan afartan budhcad badeedka ah iyo laashka ay wateen isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan u horgayn doonaan sharciga, Waxaanu Taliyuhu Cadeeyay inay Kooxdan Budhcad badeedka ahi ay u dhasheen Maamul Goboleedka Punt land kana yimaadeen Magaalada Boosaaso.

Admiral Axmed Aw Cismaan waxaa kale oo uu sheegay in kow iyo labaatankii bishan aynu ku jirno Ciidamada Difaaca iyo ilaalada xeebuhu  ay Toban Budhcad badeed ku qabteen deegaanka Conqor oo u dhexeeya Berbera iyo Maydh waxaa kale oo uu intaas raaciyay in isla bishan gudaheeda ay Gacanta ku dhigeen oo kale in ku dhow afartan qof oo Tahriibayaal ah kuwaas oo ay ka soo qabteen Xeebta Bulo cado ee Gobolka Salal.

Taliyaha Ciidanka Difaaca iyo Ilaalada Xeebaha ee Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan waxa uu Intaasi ku daray inay sii wadayaan hawl  galkoodan ay ku baacsanayaan cid kastoo ku soo xadgudubta biyaha bada ee Somaliland .

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.