Taliye Ku-xigeenka Booliska Somaliland oo sheegay inay gacanta ku dhigeen goobo lagu rogay Lix Gaadhi oo Raashin la la musuqay ah

0

Hargeysa-(Berberanews)- Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska ahna Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle),  ayaa shir jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xarunta Taliska Guud ee Caasimada Hargaysa waxa uu ku cadeeyay inay Xalay  ka qabqabteen Xaafadaha Idaacada iyo Ganad Lix gaadhi oo ka  mid ahaa deeqdii raashinka ahayd ee la musuq maasuqay.

Taliye ku xigeenka waxaa shirkaas jaraa’id ku wehelinayay Qaar ka mid ah hogaanada ciidanka booliska ee hawlaha raashinkan sida gaarka ah uga shaqeeyay. Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska ahna Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa si faahfaahsan uga waramay qaabkii ay ciidan ahaan uga hawl galeen raashin mucaawimo ah oo loogu talo galay dadka danyarta ah kaas oo fadeexado Musuq maasuq ka dhasheen isla markaana sabab u noqday in xilka lagaga qaado Sadex mas’uul oo ka tirsanaa dawlada.

Taliye ku xigeenku waxa uu sheegay in hawsha daba galka raashinkani ay soo martay laba weji kaas oo mid ka mid ah ay Ciidanka boolisku maamulkooda hayeen isla markaana ay ku guulaysteen in rashinkaas lagu xareeyo bakhaarka Wasaarada Dibu dejinta isagoo xusay in hawlgalka labaad uu Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ku soo daray Ciidanka booliska Sadex mas’uul si ay u xoojiyaan kuwaas oo kala ah Gudoomiyihii Gobolka Maroodi jeex,La taliyihii Gaarka ahaa ee Madaxweyne ku xigeenka iyo Agaasimihii Guud ee Wasaarada Dibu dejinta waxa uu taliye ku xigeenka Ciidanka boolisku intaas ku daray in Sadexdaas Mas’uul oo uu  Madaxweynuhu Xilka ka xayuubiyay ay ka soo bixi waayeen waajibaadkii la saaray kana danbeeyeen sida uu sheegay in raashinkaas ay goobo gaar ah dhigtaan.

Ku simaha taliyaha Ciidanka Booliska isla markaana ah Taliye ku xigeenka Boolisku waxa uu hadalkiisa ku sheegay in markii ay ogaadeen in bakhaar ku yaala xaafada idaacada la dhigay raashin lagu waday Lix gaadhi oo nooca Xamuulka ah iyo ka kale oo ay ka soo qabteen Xaafada  Ganad kaas oo raashinka uu waday ay dhamayd Shan boqol oo Kiish oo bariis ah waxaanu xusay inuu amar cad ku siiyay sidii ay u soo wada qaadi lahaayeen raashinkan isla markaana ay saaka ku soo xereeyeen Bakhaarka Wasaarada Dibu dejinta .

Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) waxa uu tilmaamay in cid kastoo qayb ka ahayd fadeexadan musuq maasuq ay daba gal adag ku hayaan lana soo taagi doono  sharciga si danbiga ay galeen ciqaabtiisa loo mariyo .

Sidoo kale Maxamed Baaruud Jaamac oo ah Hogaanka Lacagta iyo Maxamed Xaaji Nuur oo isaguna ah hogaanka Ciidanka ayaa sharaxay sidii ay uga hawl galeen raashinkaa la musuq maasuqay waxaanay iska daba mareen in hawlgalkaas qaybtii koowaad ee taliye ku xigeenku hagayay uu ku soo dhamaaday guul dhamaystiran iyagoo hoosta ka xariiqay in wejiga labaad ee hawshan mas’uuliyiintii ku lamaanayd ciidanku ay sabab u ahaayeen inuu fashilmo soo xero gelinta raashinkaas .

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.