Taliyihii nabadsugida Dhuusamareen iyo 11 askari oo qarax lagu dilay

0

DHUUSAMAREEB —(Berberanews)-Wararka ka imanaya badhtamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax culus lala beegsaday baabuur ay la socdeen ciidamada amniga ee maamulka Galmudug.

Ilo dhinaca amniga ah oo codsaday inaan magacooda la sheegin ayaa u sheegay idaacadda VOA in qaraxa lala beegsaday baabuur uu la socday taliyaha nabadsugidda degmada Dhuusamareeb Gaashaanle Cabdirashiid Cabdinuur Qooje iyo askar la socotay.

Gaadhiga ay la socdeen ciidanka ayaa qaraxu uu ku haleelay duleedka Dhuusamareeb xilli ay ku jireen hawlgallo lagu xaqiiinayey amniga inta u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo degaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud.

Ilahaas amniga ayaa u sheegay VOA Somali in taliyaha nabadsugidda Dhuusamareeb iyo 11 askari oo la socotay ay ku dhinteen qaraxaas.

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida ay tebiyaan warbaahinta taageerta maleeshiyadaas.