Taliyihii u horreeyay ee Ciidamada Booliska Somaliland oo Geeriyooday.

0

Hargeysa-(Berberaness)-Alle ha u naxatiistee waxaa dalka Canada ku geeriyooday Taliyihii u horreeyay ee ciidammada Boolisla Somaliland Marxuum Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibboo).

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehlada, ciidammada iyo shacabka Sonaliland ee uu ka baxay Marxuumku.

Waxaa sidaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Afhayeenka Madaxweynaha oo u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u diray, Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibboo) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 19/10/2020 dalka Keneda.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka mid ahaa tiirarka ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland seeska u dhigay gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland oo uu ahaa taliyihii u horeeyey markii la Aas-aasay 03 Novenber 1993-gii, waxaanu door muhiima ka soo qaatay dedaalladii kala duwanaa ee ciidamada lagu soo dhisay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”