Tirada dad ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

0

Hargeysa-(Berberanews)-Ugu yaraan labo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, 10 kalena way ku dhaawacmeen, qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid weyn ayaa la sheegay inuu ka dhacay Ex Control Afgooye.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay inay maqleen jug culus oo qaraxa ah, kaddibna ay arkeen dad goobta laga qaadayo.

Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa loo qaaday isbitaalka weyn ee Madiina.

Lama oga ujeeddada laga lahaa qaraxan oo sida la sheegay ahaa miino dhulka la geliyay.

@Bbc Somali