Tito Vilanova Ayaa Noqon Doona Tababaraha Cusub Ee Barcelona Xilli Ciyaareedka Soo Socda.

0

Spain (Berberanews Sports):-Barcelona ayaa ku dhawaaqday in tababarahooda cusub ee xilli ciyaareedka soo socda uu noqon doono Tito Vilanova.

Tababaraha haatan Pep Guardiola ayaa ku dhawaaqay in aanuu heshiiska u kordhin doonin Blaugrana ka dib marka qandaraaskiisa uu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana xilli ciyaareedka soo socda shaqadiisa kala wareegi doona caawiyihiisa haatan Tito Vilanova.

“Markii Pep uu sheegay inuu nala sii joogi karin, markii hore waan aamini weynay. Lakiin waxa uu mar walba uu ii sheegayay inay muhim tahay in ciyaarta halkeeda laga sii wado. Cida bedeleysa waa go’aan adag. maalin ayaan isweydiiyay: Tito muddo badan ayuu halkaan inagula shaqaynayey, maxaa diidaya Tito? ” ayuu yidhi agaasimaha kooxda Andoni Zubizarreta. 

“Waxa uu shaqadiisa qabtaa saacadaha oo dhan marka laga reebo markuu seexanayo, waxa uu leeyahay dabeecad sarre inoo qaadi karta. Waa uu ka duwan yahay Pep, lakiin Tito ayaa ah qofka aan dooneyno”

“Mar walba oo aan wax u baahano waxaan eegnaa cida guriga inoo joogtaa. Waxaan heysanaa Tito, waa wax sahlan. Uma aanan baahnayn inaan suuqa wax ka soo raadino”

42 jirkaan Vilanova ayaa caawiye u ahaa Guardiola tan iyo 2008dii.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports