Toddoba Urur oo ka tirsan Kuwa Guddiga diiwaangelintu sheegeen inay dhaceen oo muddaharaadyo ku baaqay

0

Hargeysa-(Berberanews)- Toddoba Urur oo ka tirsan Sagaalka Urur-siyaasadeed ee ku hadhay qiimaynta shuruudihii wejiga labaad ee kala saarista 15 Urur-siyaasadeed oo Somaliland laga diiwaangeliyey oo ay Guddiga diiwaangelinta Ururradu sheegeen inay ku hadheen, ayaa maanta taageerayaashooda ugu baaqay muddaharaadyo ay kaga soo horjeedaan natiijada Guddiga.

Masuuliyiinta toddobada Urur oo hadhay oo maanta kulan wada-jir ah ku qabtay Huteelka Crawn ee magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inay qaaddeceen, isla markaana aanay aqbalayn natiijada Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta kuwa xisbiyada u soo gudba ee Somaliland shalay shaaciyeen, taasoo ay ku tilmaameen mid aan caddaalad loo eegin ee cid gaar ah loogu adeegay.

Toddobada Urur ee hoggaamiyeyaashoodu kulanka yeesheen ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin, NDP, UDHIS, JAMHUURIGA, GURMAD, NUUR, DAMAL iyo SSCD.

Guddoomiyeyaasha Ururrada NDB Foosiya Yuusuf X. Aadan, Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhago-weyne) oo ah Guddoomiyaha Ururka UDHIS, iyo Xildhibaan Axmed Sandoon oo ah Guddoomiyaha Ururka JAMHUURIGA , ayaa waxay ku hadlayeen afka siddeedda Urur ee qaaddacay natiijada ay Guddiga diiwaangelintu ku dhawaaqday, waxaanay taageerayaashooda gobollada Somaliland ugu baaqeen inay maalinta Berri oo Axad ah isugu soo baxaan Muddaharaadyo nabadgelyo ah oo ay ku diiddan yihiin caddaalad-darrada sida ay hadalka u dhigeen ku dhawaaqeen Guddiga diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.