TPLF oo dub u qabsatay magaalooyin waaweyn

0

Tigray-(Berberanews)-Xoogaga Tigreega, ayaa dub u qabsaday magaalooyin waaweyn oo ay hore u sheegatay qabsashadooda xukuumadda Itoobiya.

Sabtidii ayuu Raysal-wasaare Abbiy Axmed ku dhawaaqay inay qabsadeen oo xoreeyeen magaaladii u danbaysay ee Maqale, haseyeeshee wararkiii u danbeeyay ee xalay laga helay deegaankaas, ayaa xaqiijiyay in ciidammada Tigreegu qabsadeen Magaalada taariikhiga ah eeAxum, ka dib dagaal qadhaadh.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in sidoo kale TPLF toogteen oo dhulka soo dhigeen mid ka mid diyaaradaha Milateriga Itoobiya oo nooceedu tahay Miig.

Kooxda Tigreega ee TPLF ayaa bilowday weeraro rogaalcelin ah oo isdaba jooga inay ku qaadaan ciidammada Itoobiya, halka xoggo kalena daaha ka rogeen in xeelad dagaal ay ciidamada TPLF uga baxeen magaalooyinka, iyagoo u tudhaya waxyeelo aan la mahadin oo soo gaadha shacabkooda.