TPLF oo gantaalo ku garaacday caasimadda Eretariya

0

Ethiopia-(Berberanews)-Xoogaga TPLF, ayaa xalay gantaalo ku garaacay caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay khasaaraha weeraradan, haseyeeshee dad ku sugan Asmara, ayaa saxaafadda u xaqiijiyay inay maqleen qaraxyo.

Gantaalaha oo laga soo liishaamay Gobolka Tigreega, ayaa lala eegtay saddex goobood oo kala ah, Madaarka Asmara, Wasaaradda Warfaafinta iyo Xarun Milateruga Ertria leeyihiin.

Mas’uuliyiinta gobalka Tigreyga ayaa madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ku eedeyay inuu la saftay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Ciidamada Tigreega ayaa sidoo kale la sheegayay in ay ka dambeeyen weeraradii gantaallada ahaa ee Jimcihii lagu qaaday laba garoon diyaaradeed oo kuyaala gobolka Amxaarada ee Itoobiya.

Qaraxyadu waxay dhaceen saacado uun ka dib markii sarkaal sare oo lagu magacaabo Getatchew Reda uu ku hanjabay in ay gantaallo la beegsan doonaan Ereteriya.

Sabtidii maantana waxaa jiray warar sheegaya dagaallo ka dhacay xadka ay wadaagaan Ereteriya iyo Itoobiya waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay askar loo qaaday dhaawacyadooda isbitaallada.

Berberanews.com, info@berberanews.com