UEFA Oo Dacwad Ku Soo Oogtay Wenger Ka Dib Markii Uu Weerary Garsoorihii Xalay.

0

(Berberanews Sports):- Arsene Wenger ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu weerar dhanka afka ah ku qaaday garsooraha ciyaarta ka dib markii ay kooxdiisa 3-0 xalay kaga badisay AC Milan.
Inkastoo ay si raaxo leh u badiyeen kooxda waqooyiga London hadana waxa ay ka hareen Champions League madaama lugtii hore 4-0 ay ku soo badisay Milan. 


Wenger ayaana cadhadiisa kala duldhacay garsooraha ciyaarta isagoo sheegay inuu sabab u ahaa ka haritooda koobka yurub ugu caansan.
Damir Skomina ayaa u dhigay 21 laadada xor ah kooxda Milan, iyadoo Wenger uu sheegay inay ahaayeen kuwa aan sabab laheyn islamarkaana Milan ay ka faa’ideysatay markii ay arkeen inuu garsooraha isaga dhigdhigayo laadad xor ah.
Waxa ay u badan tahay in tababaraha Arsenal lagu ganaaxi doono arintaan, taasoo keeni doonta markii seddexaad la ganaaxo sannad gudahiisa.
Ganaaxiisii ugu danbeeyay waxa uu ahaa kulankii Play Offs-ka ee Champions League ee ay la ciyaarayeen Udinese.

Mustafe Maxamud “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports