Ujeeddada Kulan Nairobi ku dhex-maray Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya

0

Nairobi-(Berberanews)- Kulan ay ku yeesheen Safaaradda Soomaalida ee magaalada Nairobi, safiirka Soomaaliya u jooga Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameerika) iyo Safiirrada Dowladda Tanzania u qaabbilsan Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa  laga wadahadlay xaaladda labada dal.

Safiirrada Tanzania  u qaabbilsan dalalka Kenya iyo Soomaaliya Ambassador Dr. Batilda S. Burian iyo Danjire Ameerika ayaa waxay sidoo kale isku soo qaadeen qaxootiga Soomaaliyeed ee ku xirxiran xabsiyada dalka Tanzania.

Cali Amerika oo kulankaas kadib saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in Ambassador Dr. Batilda. Burian ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso sidii loo sii dayn lahaa dhalinyarada Soomaalida ee ku jira xabsiyada Tanzania.

Waxaa kale oo uu sii xoojiyay codsigii Soomaaliya ay horay ugu dalbatay kamid noqoshada wadamada xubnaha ka ah ururka bariga Afrika ee East African Community.

Kulankan ayaa yimid kadib markii ay safaarrada Soomaalida ee dalka Kenya ay heshay codsiyo is daba joog ah oo lagu dalbanayo sii daynta dhalinyarada ku xiran dalka Tanzania, codsiyadaas oo ka yimid qaar kamid ah waalidiinta ay carruurtoodu kamid tahay dadka xidhxidhan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.