Ujeeddada Xildhibaanno Haween ah oo ka socda Baarlamanka Jabuuti oo markii ugu horreysay Hargeysa Booqasho ku yimi

0

Hargeysa-(Berberanews)- Wefti Xildhibaanno ah oo ka socda Baarlamanka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta safar shaqo oo illaa Isniinta qaadan doona ku yimi magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay faahfaahin ka bixiyeen ujeeddada socdaalkooda.

Weftigan Xildhibaannada ah ee ka socday Baarlamanka Jabuuti oo ay hoggaaminaysay Xildhibaan Caasha Maxamuud Rooble, oo ka kooban shan Xubnood, kuwaasoo dhammaatood ah Xildhibaannada Dumarka ah ee ka tirsan Baarlamanka Jabuuti.

Waxaana maanta barqadii garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay ka soo degeenku soo dhaweeyey Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada), Xoghayeyaasha iyo hawladeennada labadaa aqal, masuuliyiin ka tisan Dalladda Ururrada Haweenka Somaliland ee Nagaad, waxaana qolka nasashada garoonka diyaaradaha ee Hargeysa Weftiga si fiican ugu qaabbilay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Madaxa Weftiga Xildhibaannada Baarlamanka Jabuuti Xildhibaan Caasha Maxamuud Rooble, oo warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa, ayaa sheegtay in safarkani yahay kii ugu horreeyey ee ay magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ku yimaaddaan. “Aad baan ugu faraxsanahay safarkan aannu maanta Somaliland ku nimi oo ah kii ugu horreeyey ee Xildhibaannada Baarlamanka Jabuuti ee Haweenka ahi ku yimaaddaan Hargeysa, waxaannu aad iyo aad ugu mahad-celinaynaa Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland iyo Xildhibaannada Baarlamanka Somaliland ee Hargeysa maanta sida fiican noogu soo dhaweeyey.” Sidaa ayey tidhi Xildhibaan Caasha.

Xildhibaan Caasha waxay sheegtay in ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho mid isbarasho ah dhexmarta labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Jabuuti, gaar ahaan Xildhibaannada Haweenka ah. “Ujeeddada safarkayagu waxay la xidhiidhaa mid is-barasho oo dhex marta labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Jabuuti oo runtii ah laba dal oo xidhiidh fiican oo walaalnimo, derisnimo iyo Soomaalinnimo ka dhexeeyo.” ayey tidhi Hoggaamiyaha Weftiga Baarlamanka Jabuuti Caasha Maxamuud Rooble.

Xildhibaanku mar ay ka hadlaysay cidda ay la kulmi doonaan muddada ay Hargeysa ku sugan yihiin oo illaa Isniinta soo socota ah, waxay tidhi; “Waxaannu kulammo la yeelan doonnaa Baarlamanka Somaliland, gaar ahaan Xildhibaannada Haweenka ah ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland, waxaannu si qoto dheer uga wadahadli doonnaa ugana wada tashna doonnaa arrimo badan oo la xidhiidha nolosa Haweenka, horumarkooda, doorkooda waxbarasho, siyaasadeed iyo gaar ahaan sidii xal loogu heli lahaa gudniinka Fircooniga ah ee Haweenka Soomaalida lagu hayo oo runtii ah mid dhibaatadiisa leh.”

Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo ah Haweenayda kaliya ee ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland iyo Xildhibaan Baar Siciid oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa iyaguna halkaa ka hadlay, isla markaana waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in Haween ka socda Baarlamanka waddanka Jabuuti ay Somaliland ku soo dhaweeyeen markii ugu horrreysay. Waxaanay sheegeen inay ku soo dhawaynayaan Somaliland. “Somaliland waa dalkiinnii, Jabuuti iyo Somaliland waa laba dal oo walaalo ah, isku dhaqan ah, isku dhiig ah, xidhiidh walaannimo iyo derisnimo soo jireeni ka dhaxayso, dal kale maydaan iman ee dalkiinnii-baad timaaddeen, waxaannu idin leenahay ku soo dhawaada Somaliland walaallayaal.” Sidaa ayey tidhi Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye.

Sidoo kale, Xildhibaan Baar Siciid, ayaa sheegtay inay iyada farxad gaar ah u samaynayso inay Xildhibaanno Dumar ah oo ka socda Baarlamanka Jabuuti Somaliland ugu yimaaddaan, waxaanay tidhi; “Waannu idinku faraxsannahay inaannu maanta aragno Haween ka socda Baarlamanka Jabuuti oo markii koowaad Hargeysa noogu yimaada, waxaannu idin leenahay soo dhawaada walaallayaal.” Magacyada Xildhibaannada Baarlamanka Jabuuti waxay kala ahaayeen sidan: – 1- Madaxa Weftiga Xildhibaan Caasha Maxamuud Rooble, 2- Xildhibaan Caasha Dhabar-geelle, 3- Xildhibaan Deeqa Axmed Cilmi, 4- Xildhibaan Degmo Maxamed Isaaq iyo 5- Xildhibaan Xasna Xasan Cali.

Weftigan ka socda Baarlamanka Jabuuti waxay kulammo la yeelan doonaan muddada ay dalka ku sugan yihiin sida ay sheegeen golayaasha Baarlamanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada, waxay si gaara kulammo ula yeelan doonaan Xildhibaannada Dumarka ah ee golayaashaas iyo Ururrada Haweenka Somaliland, gaar ahaan Masuuliyiinta Dalladda Nagaad oo kulmisa Ururrada Haweenka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee ay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland yimaaddaan Xildhibaanno Haween ah oo ka socda Baarlamanka dalka Jabuuti.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.