“Ummaddu Mar Dambe Ma Aqbali-doonto Doorasho Dib U Dhacda” Guddoomiye Cirro

0

(Berbera news) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay bixiso dhaqaalihii doorashada, waxaanu ka digay muddo kordhin kale oo loo sameeyo Xukuumadda, waxaanu xusay in aanay shacbiga iyo dalka dani ugu jirin.

 

“Arrinta doorashada iyada na waad ka warqabtaan oo waxa ay ahayd in ay 2015kii dhacdo, 22 bilood baa la kordhiyey iyada oon wax cudur daar ah loo haynin, beesha caalamku na arrintaa aad bay uga xumaatay, KULMIYE na berigaa waxa ay yidhaahdeen beesha caalamka uma baahnin, lacagtii na anagaa bixinayna oo Sideed Malyana (8 Milyan) way ahayd sida la xaqiijiyeyna saddex Malyan uun  bay bixiyeen, waxa aan Xukuumadda u soo jeedinaynaa si ay u qabsoonto Doorashadu, diiwaan-gelintu u dhammeystiranto oo kaadhadhka loo qeybiyo in lacagtii la bixiyo, Ummaddu na mar dambe ma aqbali doonto doorasho dib u dhacda anagu na ma ogolin.” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro

 Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cirro oo maanta dalka ku soo laabtay waxa kale oo uu sheegay in uu aad uga xun yahay xadhiga loo geystay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga oo muddooyinkii dambe ku xidhnaa saldhiga dhaxe ee Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxa aan runtii aad iyo aad uga xumahay oo aan uga tiiraanyeysanahay in madax ka tirsan Xisbiga WADDANI oo ka mid ah madaxda ugu sar-sareysa Xisbiga oo uu ku jiro guddoomiyahii garabka dhallinyarada iyo weli ba sida oo kale xoghayahii ciyaaraha ee Xisbigaasi in la xidhay iyada oo aan wax dembi ah loo haynin, sifo sharci ah loo haynin, arrintaasi na waxa ay u eeg tahay sharci jebin, waxa ay u eeg tahay budhcadnimo, waxaana aan ka xumahay xaaladda ay ku sugan yihiin ee ay ka soomeen raashinka, waxaana aan ugu baaqeynaa xukuumadda ina laga noqdo arrintaa sharci darrada ah oo sharciga loo soo noqdo oo xoriyaddoodii na loo soo daayo, raali kama noqon karno mana aqbali karno in maalin walba saraakiil ka tirsan Xisbiga in la xidho, arrintaa si adag baanu uga soo horjeednaa mana aqbali doono.”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale Murashax Cirro waxa uu Xukuumadda u soo jeedinayaan in ay cabudhinta ka deyso saxaafadda ,isaga oo ugu baaqey in ay xoriyaddooda u soo celiso inta xidh-xidhan ee ku jirta jeelasha Somaliland, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu Xukuumadda u soo jeedinaynaa in ay cabudhinta ka deyso Saxaafadda, saxaafaddu umaddey u dhaxeysaa sharcigaana xoriyad siiyey, dastuurkaana siiyey , qofkii dembi gala waa lagu qaadi karaa dembigiisa laakiin cabudhintu sharci darro weeye, intii xidh xidhan ee saafadda ka tirsana waxa aanu rajeynaynaa in xoriyaddoodii loo soo celiyo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro

Geesta kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ka hadlay arrinta sicir-bararka oo uu sheegay in ay illaa hadda wax ka qaban kari la’ dahay Xukuumaddu, “Arrinta sicir-bararka waad ka war-qabtaan oo xukuumaddu way ku fashilantay, talaabooyin bay sheegtay in ay qaadeyso laakiin may fulinin, waxa aanu xukuumadda u soo jeedinaynaa arrinta sicir-bararka ee xadhkaha goostay iyo sarifka ba in ay tallaabo ka qaado oo dhakhso uga qaado, waxa aan baaq u soo jeedinayaa dhammaan ba beelaha Somaliland ee dega gobalka Sool iyo Ceel-afweyn ba ee dirirtu dhawaan dhex-martay, baaq nabaddeed baan u soo jeedinayaa oo in arrinta nabad lagu soo dabbaalo ayaan ka codsanaynaa dhinacyada oo dhan ba, maanta colaad iyo abaar mid na ma qaadi karno, markaa labada ba Ilaahay ha inaga baajiyo, waxaana aan ugu baaqayaa in nabadda loo soo noqdo oo caqligu shaqeeyo oo dadkaa walaalaha ah wixii dhex yaala si wanaagsan loogga wada xaalo ayaan u soo jeedinayaa.”.

Berbera news