UN-ka oo isu-soo-dhawayn ka dhex bilaabaya khilaafka wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo Mahiiga oo Hargeysa yimi

0

Hargeysa-(Berberanews)- Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa durba ka hawlgashay sidii ay Somaliland ugu qancin lahayd sii wadidda qaban-qaabada wadahadal dhexmara Soomaaliya, ka di markii ay dawladda Somaliland shaacisay inay ka baxday hannaankii wadahadalka, kaasoo ay ku sababaysay in Madaxweynaha dawladda Ku-meel-gaadhka ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu magacaabay xubno Puntland ka socda oo carqaladayn kara wadahadalka.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga, ayaa galabta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaanu sheegay inuu u socdo sidii loo dhammaystiri lahaa qodobbada heshiiska shirkii London 23 kii febraaya halkaa loogu qabtay Soomaalida oo Somaliland-na si gaar ah loogu soo casuumay, kaasoo laga soo saaray 26 qodob, hase ahaatee qodobka lixaad dhiganayey inay Soomaaliya iyo Somaliland iyagoo laba dhinac ah ka wadahadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed iyo xidhiidhka ka dhaxayn kara. Arrintaas oo ay Somaliland iyo Soomaaliya-ba soo dhaweeyeen, isla markaana guda-galeen diyaargarawgeeda oo Madaxweynaha Somaliland u magacaabay shan Wasiir oo noqayey Guddi farsamo oo diyaarisa ajandaha waxyaabaha laga wadahadli doono, isla markaana wadahadal hor-dhac ah magaalada London ee dalka Ingiriiska kula yeelan doona Guddi ka socota Soomaaliya.

Hase-ahaatee, Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa toddobaadkii hore wadahadalka dhiniciisa u magacaabay Guddi toddoba Wasiir ah oo ay ku jiraan laba Wasiir oo ka tirsan Maamul-goboleedka Punltand, taasoo Somaliland u aragtay in Madaxweynaha Soomaaliya carqaladaynayo wadahadallada iyo heshiiskii London ee caalamku u dhammaa oo dhigaya in Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dhinac ahi wadahadallaan, sidaa daraaddeedna ay Somaliland ka noqotay sii wadi-taagnka wadahadalladaas illaa inta uu Sheekh Shariif go’aanka Puntland uu ugu soo daray Guddiga ka laabanayo.

Haddaba, Ergayga Qaramada midoobay ee Soomaaliya oo isla galabta ka soo duulay magaalada Muqdiso ee xarunta Soomaaliya, ayaa galabta soo gaadhay Hargeysa, waxaana garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ku soo daweeyey Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland. Mahiga oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada garoonka diyaaradaha Hargeysa, ayaa sheegay in nuxurka socdaalkiisu la xidhiidho sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka siyaasadeed ee Somaliland iyo Soomaliya.

Mahiga waxa kale oo uu sheegay inuu kulammo la yeelan doono Madaxda Somaliland, isla markaana ay ka wadahadli doonaan qaabka isu soo dhawayn loo samayn karo. Waxaanu ku dooday inaanay hakad geli doonin wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee caalamku iyo labadan dhinacba iskula qaateen shirkii Soomaalida loogu qabtay London 23-kii February 2012. Waxaanu xusay in waxa labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland sida ugu habboon loo xallin doono.

Geesta kale, Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wakiilka ku soo dhawaynayaan niyad-samaan, waxaanu xusay in booqashadiisani qeyb ka tahay socdaallo joogto ah oo uu ku yimaaddo Somaliland. Wasiir Maxamed Cabdillaahi, wuxuu sheegay in Ambassador Mahiga uu kulammo la yeelan doono Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.