Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo cambaareeyey Weriye si sharci-darro ah Xukuumaddu ugu xidhay Ceerigaabo

0

Hargeysa-(Berberanews)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa si kulul u cambaareeyey xadhig sharci-darro ah oo lagula kacay Weriye Cabdillaahi Xuseen Darwiish oo ah Weriyaha TV-ga ROYAL uga soo warramaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kaasoo ciidammada Booliska Somaliland Talaadadii toddobaadkan (shalay) qaab sharciga baal-marsan Xabsiga ugu taxaabeen isaga oo aan wax dembi ah oo uu galay jirin.

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa war qoraal ah oo uu caawa soo saaray kaga hadlay xadhigga Weriye Darwiish, waxaanu War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Ururka Suxufiyiinta somalialnd ee solja wuxuu canbaaraynayaa xadhiga weriyaha royal tv iyo waaheen uga soo warama magaalada ceerigaabo  ee gobolka sanaag c/laahi xuseen darwiish.ahna wakiilka ururka solja ee gobolkaa .oo maalintii shalay ee salaasadii boolisku ku qabteen magaalada Ceerigaabo isagoo shaqadiisii Suxufinnimo gudanaya,iyagoo aan wax waaran maxkamadeed oo u fasaxaya xadhiggiisa sidannin.

Iyadoo sida la sheegay  amarka xadhigiisa uu bixiyay gudoomiyaha gobolka sanaag oo ku sababeeyay sababta xadhigiisa waraysi uu ka qaaday dad dan yar oo ka cabanayay inaanu soo gaadhin raashin mucaawino ahaa oo gobolkaa loogu talo galay. Inkastoo markii  aan la xidhiidhay gudoomiyaha iyo taliyaha qaybta bilayska ee gobolka sanaag ay ku dacwoodeen inuu  war beena oo sumcadooda wax u dhimaya ka qoray hadana baadhid aanu ku samaynaynay.

Waxaanu ku ogaannay inuu Weriyuhu war ka duubay dad danyara oo cabanaya uu hadalkoodii oo toosa sii daayay isagoon wax faalo ah ku darsan inkastoo aanu dhinaca maamulka waxba ka waydiin Sidaa daraadeed waxaanu gudoomiyaha gobolka sanaag iyo xukuumada Somaliland-ba ka codsanaynaa inay degdeg xoriyadiisii ugu soo celiyaan weriyahaa ama maxkamad u keenaan si loogu soo oogo hadii uu wax dambiya leeyahay.”

Suxufigan ayaa noqonaya kii dhawr iyo afartanaad ee Xukuumadda Axmed-Siilaanyo Xabsiga dhigtay intii ay talada haysay oo laba sano bilo ka dhiman yihiin, iyada oo Xukuumadda Siilaanyo noqotay tii ugu horreysay intay Somaliland jirtay mar kaliya maalin kaliya 22 Weriye Xidha, 14-kii bishii koowaad ee Sannadkan 2012-ka.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.