Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo shahaadooyin guddoonsiiyay 16 weriye oo dhammaystay tobabar ku saabsan Xuquuql-insaanka iyo saxaafadda

0

Hargeysa (Berberanews) – Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta koox Wariyayaal ah Caasimada Hargeysa ugu soo xidhay tababar u socday Mudo shan maalmood ah oo ku saasab Xuquuqal-insaanka iyo xaaladaha Bini’aadamnimo.

Xidhitaanka Tabarkaasi oo loo qabtay munaasibad ayaa waxa hadalo kooban ka jeediyey Masuulyiin kale duwan oo ay ka mid ahaayeen Madaxda ururka SOLJA iyo xubno ka socday wakaalada Qaramada Midoobay u qaabilsan wararka Humanitarianka ee IRIN oo iyadu tababarkaasi bixisay.

Bidix; Cabdisalaan Hereri iyo Maxamed-rashiid

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Cabdisalaam Xasan oo ka mid ahaa xubnaha tababarkaasi bixinayey ee ka socday wakaalada IRIN waxa uu yidhi “ tabarkani waxa uu ahaa mid sare loogu qaadayey xubanaha saxaafada iyo aqoonta ay u leeyilhiin arimaha bini’aadamnimo, waxa aanu ardayda siinay casharo ku saabsan ka warbixinta xaalahada Bini’aadamnimo, waxa kale oo aanu xubnahaasi ku baraarujinay in aanay wararkooda ku koobin ka waramida siyaasada iyo waxyaabaha markaasi dhacaya, balse ay warar iyo barnaamijyo ka diyaariyaan arimahaha iyo xaaladaha bin’aadamnimo.” Ayuu yidhi Cabdi Xasan oo ka socdal Wakaalada IRIN.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka Wariye Sadaam Maxamed Ahmed oo ka mid ahaa Saxafiyiintii tabarkaasi ka faa’iidaysatay , isaga oo ka waramay waxyaabihii ay ka barteen intii uu socday waxana uu yidhi “ siminaarkani waxa uu noo socday mudo shan maalmood ah, waxa aanu ku baranay arimo muhiim u ah shaqada aanu hayno iyo bulshada aanu warar u tabino, markii hore arimhaasi warbaahinta Somaliland way mooganayd ama aanay muhiimadeeda siin jirin, arinkaasi oo ah ka waramida xaaladada bini’aadamnimo.”

War kale oo uu Wariye Sadaam intaasi ku daray “ Markii hore waxanu ka warami jirtay oo kaliya arimaha siyaasada, siyaasiga iyo wixi uu yidhi, waxa aanu mooganayeyn ka waramida xaaladaha dadka in badan oo ka mid ah oo aamusan ama aan hadlikarin oo baahiyo qaba, iyo wax badan oo bushada dhexdaa ka dhacaya oo loo baahan yahay in la soo bandhigo, maanta aanu ku baraarugnay arimahaasi.” Ayuu yidhi Saddaam Maxamed.

Xoghaya Guud ee ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo isagu tabarkaasi oo xidhay ayaa waxa uu yidhi “ Aad ayaan ugu mahad naqayaa xubanaha ardaydani oo sida lacag la’aanta ah ugu soo qayb galay tababarkani, sidoo kalena waxaan aad ugu mahad naqayaa wakaalada IRIN oo iyaduna tabarakani higalisay, iyo macalimiintii bixinayey, waxa ay tani qayb ka tahay dadaalka uu ururka SOLJA ugu jiro kor u qaadiada Aqoonta iyo xirfada saxafiyiinta Somaliland, waxa aanu sii wado doonaa tababarada iyo siminaarada kuwano oo kale ah.” Ayuu yidhi Maxamed Rashiid.

Gabagabadii Xidhitaanka Tababarkaasi ayaa waxa ka hadlay Wariyaha Ruugcadaaga ah Cabdirisaaq Xaaji Maxmed Siraad oo isagu shahaadooyinka siiyey saxafiyiintaasi waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ shahaadooyinkani aad qaadateen ee ku saabsan warbaahintu kolay faa’iido ayey idinka iyo shaqada aad haysaanba u yeean doontaa, shaqada warbaahinmtuna waxa weeyey inaad dadka u sheegtaan waxa jira, haday adagtahay iyo hadii ay fudahadayba, haday wanaagsan tahay iyo hadii ay xuntahayba, waxa aan idnku dhiiri-galinayaa inaad ka war-bixisaan wixi jira, wanaagana aad ka warantaan.” Ayuu yidhi Wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxmed Siraad.