Ururka Xuquuqal-insaanka USWO oo Shahaado-sharafta Saxaafadda Somaliland u Hibeeyey Shabakadda Boramanews

0

Hargeysa-11,Dec,2011- (Berberanews)- Ururka waddaniga xuquuqal-insaanka ee USWO oo sannad kasta qiimayn ku sameeyey tayada tebinta wararka ee guud ahaan warbaahinta kala duwan ee dalka Somaliland, ayaa shahaado-sharafta sannadkan 2011 ee saxaafadda u hibeeyey shabakadda wararka internetka ee Boramanews, kadib markii hay’addu daraasad dheer ku samaysay.

Xaflad loo sameeyey guddoonsiinta shahaado-sharafta lagu maamuusay shabakadda Booramanews oo lagu qabtay maanta hudheelka Dalxiis ee caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay masuuliyiin iyo suxufiyiin ka kala socday hay’adaha saxaafadda madaxbannaan iyo ta dawladda Somaliland.

 

Mareegta Boramanews oo ka mid ah shabakadaha wararka internetka ee laga leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, sida weynna looga akhristo guud ahaan daafaha caalamka, waxa uu ururka USWO qiimayntiisa ku saleeyey inay sannadkan sii dhammaanaya ku caan-baxday dhexdhexaadnimo iyo baahinta warar hufan, sidaa darteedna loo gartay in lagu abaalmariyo shahaado-sharafta 2011 ee bahda saxaafadda dalka, iyadoo shahaadadaas bixiyaan qaar ka mid ah mareegaha afka Soomaaliga ku hadla, gaar ahaan kuwa Somaliland.

 Berberanews.com

Email, info@Berberanews.com