Ururrada Siyaasadda oo Hargeysa ka Daabulaya Dad u buuxiya Tirada Kunka qof oo Berbera ka bilaabmaysa iyo Guddiga oo ka hadashay

0

Waraysi Gaar Ah: Xoghayaha guud ee Guddiga diiwaangelinta ururrada siyaasadda. “Guddi ahaan Urur kasta waannu u sheegnay, awooddayadana maaha inaannu nidhaahdno dadka Hargeysa laga soo rarayo halla joojiyo..Laakiin Ururka dad gobol kale keena waxa loo eegayaa Seerfarka..”

Hargeysa-(Berberanews)- Qaar ka tirsan Ururrada Siyaasadda Somaliland, ayaa galabta illaa caawa bilaabay inay magaalada Hargeysa Basas kaga daabulaan dad si ay dadkaasi qayb uga noqdaan tirada kunka qof ee laga doonayo inuu urur kasta oo ka mid ah 15-ka urur ee is-diiwaangeliyey Berri ku soo bandhigaan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Hawsha tirinta kun-kunka qof ee Urar kasta laga rabo ayaa shalay ka bilaabantay magaalo-madaxda gobolka Awdal ee Boorama, iyadoo maantana laga bilaabay magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Maroodi-jeex, halka Salaasada Berrina laga bilaabayo xarunta gobolka Saaxil ee Berbera. Waxaanay Ururrada Siyaasadda mid kastaaba isku dayey inuu muujiyo cududda taageero ee uu ku leeyahay gobollada shalay iyo maanta la tiryey, iyaga oo ururrada qaarkood soo bandhigay tiro aad uga badan kunka qof ee laga robo inuu Urur kastaa ka diiwaangashado gobol walba kun qof.

Sidaa daraaddeed, qaar ka mid ah Ururrada ayaa galabta illaa caawa ku mashquulsan sidii ay u buuxin lahaayeen kunkuna qof ee Berri laga doonayo inay ku soo bandhigaan Berbera, waxaanay kii ka wel-wel qabay taageerada ay ku leeyihiin gobolka Saaxil ay bilaabeen inay Baabuur magaalada Hargeysa kaga daabulaan taageerayaashooda maanta la tiriyey, si ay Berrina tiradaa ugu buuxiyaan, waxaana Ururrada la arkay iyaga oo Gawaadhi dad ku daad-guraynaya ka tirsan Ururka UMADDA, Badbaado iyo Gurmad, iyada oo ay jiraan kuwo badan oo kale oo arrintan ku hawlanina.

Haddaba, si aannu dhinaca Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasaddu siday u arkaan dadkaa Hargeysa laga gurayo ee Berbera lagu daabulayo waxay Shabakadda Berberanews wax ka weydiisay Xoghayaha guud ee Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Cumar Xasan Axmed (Mahdi) oo ka mid ah xubnaha Guddiga, isla markaana ku sugan magaalada Berbera oo ay Berri hawsha ka bilaabayaan.

“Arrintaas daabulka dadku way jirtaa, laakiin Ammaankana annnagu ma hayno, taladiisuna nagama go’do wax awoodahayada ka baxsan ayaanay u muuqataa, balse way jirtaa arrintaasi. Laakiin, waxaan kuu sheegayaa annagu Guddi ahaan Liiska ayaannu waafajinaynaa, sagaashan kun oo qof baaannu liiskooda qaadanaynaa..sharciyan marka la eego madax ka tiriska kunka qof Guddi ahaan waannu ku cadaaddinnay Ururrada oo annaga ayaa ku lifaaqnay, laakiin sharcigu wuxuu sheegayaa inuu urur kastaa ka diiwaangahado gobol kun qof oo muwaaddiniin ah gobol kasta oo Somaliland ka mid ah.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Somaliland Cumar Xasan Axmed (Mahdi).

Xoghaye Mahdi waxa kale oo uu sheegay in ay isu eegayaan Liiska kunka qof uu Xafiiska gobolka ee Ururka kastaa ku diiwaangashaday, isla markaana ay isu eegayaan Liiska Urur waliba u dhiibo iyo Liiska Seerfarka diiwaangelintii dalka laga sameeyey 2009 ee xarunta Guddiga doorashada yaalla ku jira.

Xoghayaha Guddiga diiwaangelinta Cumar-Mahdi oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Ururka ii dhiiba liiska kun qof oo seerfarka ugu jira waa ansax, laakiin wax ka baxsan oo meel kale uu ka soo qortay wax soconaya maaha. Annagu Guddi ahaan waxaannu isu eegaynaa, Liiska ururka u diiwaangashan ee kaadhadhkooda aqoonsiga naloo dhiibay iyo Liiska kunkaa qof ee Seerfarkii diiwaangelinta ku jira.”  “Markaa, Ururka dad aan gobolkaa diiwaangelintii ka diiwaangashanayn ee gobollo kale ka diiwaangashan haddii is yidhaahdo dad gobol kale iska diiwaangeliyey tirada lagaa doonayo meel gobol kale kaga buuxso wax ka soconaya maaha oo markaannu liiskiisa kunka qof u eegno liiska Seerfarka ee gobolkaas haddii hal qof laga waayo ama la arko inuu meel kale ka diiwaangashan yahay waannu ka jaraynaa, Ururka sidaa sameeyaana wuu dhacayaa.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada qaranka Somaliland Cumar Xasan Axmed.

Cumar-Mahdi mar uu ka hadlayey sida ay Ururrada arrintaa ugu wargeliyeen waxa uu yidhi; “Annagu Guddi ahaan Urur kastana waannu u sheegnay in arrintu sidaa tahay, awooddayadana maaha inaannu nidhaahdno dadka meel heblaayo laga soo rarayo ama Hargeysa laga soo rarayo halla joojiyo, laakiin sharciyan baannu shaqadayada u wadaynaa, Ururka dad kale oo aan gobolka ka diiwaangashanayn tirada ku buuxsadana dhibteedu isagy ku soo noqonaysaa marka Seerfarka loo eego.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.