Waa goorma Ramadaan?

0

Maalinta koowaad ee soonka bisha barakaysan ee Ramadaan, oo lagu go’aamiyo aragtida bisha cusub, waxay u badan tahay inay noqoto salaasada April 13. In lagu dhawaaqo bilashada bisha Ramadaan, Sacuudi Carabiya iyo waddamada kale ee u badan Muslimiinta waxay ku tiirsan yihiin markhaatiyaal arka curashada bisha.

Baxrayn, Masar, Kuweyt, Cumaan, Qatar iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa dhammaantood la filayaa inay raacaan aragtida Sacuudiga ee bisha cusub.

Wadamada kale waxay leeyihiin araga madax banaan, laakiin Indonesia, Lubnan, Maroko iyo Syria sidoo kale waxay u badan tahay inay bilaabaan soonka laga bilaabo salaasada halka wadamada sii fog ee bariga iyo galbeedka ay bilaabi doonaan marka la arko bisha.

Aqalka Kalandarka ee Qatar (QCH) ayaa ku dhawaaqay in bisha cusub ee Ramadaan ay dhalaneyso 12-ka April saacaddu markay tahay 02:31 GMT, sida ay sheegeen aqoonyahanada cilmiga xiddigiska.

Maalintaas, ayaa laga yaabaa in dayaxu ka muuqdo qaybo ka mid ah Waqooyiga, Badhtamaha iyo Koonfurta America. 13-ka April, dayaxa ayaa si fudud looga arki doonaa adduunka intiisa badan.

Muuqaalka dhabta ah ee bisha cusub wuxuu ku xidhnaan doontaa arrimo sida xaaladaha cimilada, daruuraha iyo masaafada u dhexeysa qorraxda iyo dayaxa.

Bisha dayaxu wuxu soconaya 29 ilaa 30 maalmood, waxayna ku xidhantahay aragtida bisha cusub habeenka 29aad ee bil kasta. Haddii bisha cusub la arki waayo, bishu waxay socotaa 30 maalmood.

Maxay bisha Ramadan u barakaysantahay?

Dadka muslimiinta ah, Ramadaan waa bishii ay aayadaha ugu horeeya ee Quraanka kariimka ah, kitaabka islaamka ee barakaysan, ay ku soo degeen Nebi Muxamed in ka badan 1,400 sano ka hor.

Bisha oo dhan, muslimiinta waxay soomanyihiin kahor qorrax soo baxa, ama Fajr, salaada ilaa qorrax dhaca, Maghrib. Soonka wuxuu ka kooban yahay ka fogaanshaha cunida, cabitaanka, qiijinta sigaarka iyo wixii la mida iyo xidhiidhka galmada si loo gaadho “taqwa” dembi dhaafka Eebbe.

Soonka waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, oo ay weheliyaan Iimaanka iyo towxiidka , salaadaha maalinlaha ah, sadaqada, iyo gudashada xajka ee Makkaa haddii jidh ahaan iyo dhaqaale ahaanba karti u leedahay.

Sannadkii hore, saacadaha soonka adduunka oo dhan waxay u dhexeeyeen 10 illaa 20 saacadood maalintii.

Waxaa soo turjumay
Suxufi Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago).
Berberanews Chief in editor.
Email, info@berberanews.com