“ Waa in aynu awoodda saarraa dhiiri gelinta iyo barashada cilmiga dhaqaalaha si ayni uga mid noqon dunida higsanaysa horumarka dhaqaalaha” Cabdirisaaq Cabdilaahi

0
Abdirizak Abdillahi, Dean of Economics, Gollis Univeristy of Berbera

 

 

Abdirizak Abdillahi, Dean of Economics, Gollis Univeristy of Berbera

Berbera (berberanews): hormuudka kulliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda Gollis Berbera, Cabdirisaaq Cabdilaahi, ayaa xalay furay kulan aqooneed lagaga hadlayay barashada dhaqaalaha iyo weliba heerka dhaqaalaha Somaliland marayo.

Kulanka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee jaamacadda Gollis Berbera, ayaa waxa soo qaban qaabiyey arday ka timi jaamacadda Camuud ee magaalada Borame, waxana si aada looga dooday heerka dhaqaalaha Somaliland uu marayo, caqabadaha haysta iyo sida looga bixi karo.

Waxa sidoo kale dood cilmiyeedkan ka qayb ahaa ardaya dhaqaalaha ee jamaacadda Gollis qaybteeda magaalaga Berbera. Hormuudka kulliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda Gollis Berbera, Cabdirisaaq Cabdilaahi Aadan oo isagu kulankaasi furay , ayaa si aada ugu dheeraday faaiida wax barashada gud ahaan gaar ahaan cilmiga dhaqaalaha.

“ wax barashadu nooc kasta ay tahayba waa lagama maar maan, waana shay asaasi ah. Wadan kastaana wuxu si gaara uga baahanyahay nooc ka mid ah aqoonta. Dunida saddexaad ee Somaliland ka mid tahay, waxay ka duulan markay horu marka doonayaan inay awooda saaraan cilmiga dhaqaalaha” ayuu yidhi mr Cabdirisaaq Cabdilaahi.

Waxa uu sheegay in wadama badani ay gaadheen horu mar dhaqaale, iyagoo nasiib u yeeshay inay helaan hoggaamiye yaal dhaqaale yahani “ wadamo badan ayaa horu mar ku gaadhay markay nasiib u yeesheen inay helaan hoggaaamiye dhaqaale yahan. Wadanka Singapore oo 1965 xorriyadiisa qaatay.

Wuxuu muddo yar ku gebogebeeyey safarkii u dhexeeyey dunida saddexaad ilaa koowaad, taasina waxay ku tusaysaa in dhaqaalaha oo awoodda la saaraa tahay wadada ugu dhaw horu marka” ayuu yidhi Mr Cabdirisaaq

 waxa uu sheegay in Somaliland wadada ugu dhaw ee horumarku ay tahay mid lagu gaadhayo cilmiga dhaqaalaha “ haddaba, Somaliland ahaan waa in aynu awoodda saarra barashada iyo dhiirigelinta cilmiga dhaqaalaha si aynu uga mid noqo wadamada higsanaya horumarka dhaqaalaha”

Berberanews.

Berbera