Waa sidee xaaladda Fannaan Cabdi Jaamac Qaboojiye?

0

London(Berberanews)-Faadumo Mooge, oo ah xaaska fannaan Cabdi Jaamac Qaboojiye oo la ildarnaa Covid-19, ducana weydiistay ummadda Somaliyed, ayaa xaaladdiisa caafimaad ka soo raynaysaa.

Sida ay barteeda Facebook ku soo qortay Xaaska Fanaan Qaboojiye waxay ummadda Somaliyed uga mahadcelisay sidii ay ugu soo duceeyeen
Qoraalka Faadumo wuxuu u dhignaa sidan.

“Cabdi Jamac Qaboojiye wuu sii ladnaanayaa Alxamdulilah ,Waxan idiinka Mahad celinayaa dhamaan umada Soomaliyeed meelkastoo Ay aduunka ka joogtaanba sida walaltinimada Darrenka naxariista lihi ku jirto ee aad ugu soo ducayseen, una ducaynayaan wali Qaboojiye, iyo waliba sida aad nooga war haysaan daqiiqad daqiid jazakumallahu khayra.” Ayay tidhi Faadumo Mooge.