“Waan idin jeclahay Reer Sheekhoow..”Madaxweyne Axmed Silanayo oo khudbad u jeediyay Ardayda Dusgiga Xoolaha

0

Sheekh-(Berberanews)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo saaka ka soo baqoolay magaalada Hargeysa, ayaa khudbad u jeediyay ardayda Dugsiga Xannanada Xoolaha Degmada Sheekh.

Madaxweyne Silaanyo iyo weftigiisa oo xuddunta safarkoodu ahayd magaalada Burco oo ay kaga qaybgaleen gebgebada tartanka ciyaaraha Somaliland, ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Sheekh waxa uu Madaxweyne Silaanyo geed  hoostii khudbad Dugsiga Xoolaha Sheekh.

kuna socda Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa maarkii uu soo gaadhay Degmada Sheekh waxa markaliya intuu ka hadhay waftigii la socday Geed hoostii la fadhiistay ardayda iyo Maamulka wasraasada Waxbarashada Gobolka Saaxil iyo Degmada Sheekh isaga oo halkaa uga jeediyey khudbad aad ay ula dhaceen ardaydii iyo masuuliyiintii halkaa joogay.



“Degmada sheekh waa degmadaydii waa halkii aan waxbarashada ku soo qaatay waxay igu leedahay xasuus gaara, waxaan idin leeyahay waan idin jecelahay reer sheekhoow, waxaan ku socdaa Burco waan idin dhaafi kari waayey waad mahadsantihiin sida fiican ee aad noo soo dhawayseen.” ayuu yidhi Madaxaynahe Axmed Siilaanyo.

Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Sheekh Maxamed Ibraahin X C/laahi   ayaa isna halkaa Madaxwaynaha xog waran ka siiyey Degmada iyo Xaaladeeda waxbarasho ee degmada Sheekh, waxaannu sheegay in ay ardaydu ilaa saaka u diyaar ahaayeen soo dhawaynta Madaxwaynaha aadna uu ugu mahadsanyahay sida qiimaha leh ee aad noo qadarisay.

Madaxwaynaha ayaa si kalsooni leh u dhex istaagay ardayda iyada oo aanaya la socon ilaaladiisa oo mar danbe ku war helay inuu madaxwaynahii ka hadhay waftiga oo uu la jooga kumaan arday ah .

Madaxweyne Silaanyo iyo weftigiisu waxay u baqooleen Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, halkaasoo ay kaga qaybgaleen Ciyaarta kama danbaysta ee ay galabta isku haleeleen kooxaha Gobollada Hargeysa iyo Hawd oo Madaxweynaha iyo weftigiisu kaga qaybgaleen daawashadeeda.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com