Waasiir Isgaadhsiinta JSL Oo U muuqda Masuul Aan fahmin jihada Siyaasadeed Ee dalku U Socdo Iyo Dhaliilo Dulhoganaya!

0

 

Wasiirka wasaarada isgaadhiinta iyo technolajiyada Somaliland Ayaa muuqda mid ka bayadhay jihada ay usocoto Xukuumada Madaxwayne biixi ee uu wasiirka ka yahay iyadoo xukuumada Laga filayay inay dalka ka saarto habka qabiilka maadaama ay Xilal wasiiro u magacawday dhalinyaro aqoon yahan ah oo lagu Sheegay PHD ah sitaan qaarkood masuuliyiinta uu Madaxwaynuhu xushay.

Waxa laga filayay inay dalka dhisaan aqoontooda uga Faa,iideeyaan
Hadaba waxa soo baxay in dadkaa qaarkood lagu hungoobay Ama lagu khasaaray maanta waxa muuqata in wasaaradii Isgaadhsiintu noqotay goob saylad oo kale oo wax lagu kala Iibsado ama wax lays dhaafsado taasi oo Keenta in shirkadaha isgaadhsiinta loogu hanjabo hadaanay wixii laga codsado deg deg u keenin inaan wax shere ah laga siin doonin xadhiga internetka ah ee laga qaaday shirkada Somcable ooh ore mudo 25sanadood ah loogu xidhay,

Taasi hore shirkadaha lacago badan lagaga qaaday lacago badan markii hore ee shirkada somcable ee maxamed aw siciid xadhiga laga qaadayay oo lagu yidhi waxaad keentaan lacago baarlamaanka la siiyo iyo in ay wasiirka wasaarada si hoose usiiyeen dhaqaale faro badan oo sida xogaha laga helayaan tibaaxeen uuu hanta kaga dhistay magaalada hargaysa sheerarna siiyaan iyadoo la sheegay in shirkaduhu aqbaleen

Waxa kale oo aynu ognahay in dhawaan ay wasaarada isgaadhsiinta mamnuucday taawarrada dhaadheer ee shirkaduhu ka taagtaan gudaha magaalada iyo agagaarkeedaba ujeedada ka dambaysaana ay tahay in lacago laga qaado marka loo fasaxayo taasi oo si hoose ama suuqa Madaw loogu dhameeyo dadka shacabka ahna looga dhigo in caafimaadkooda dartii loo joojiyay tawarrada wax kale oo la sheegayaa inay wasaardu bilawday inay lacago badan ku bixiso in lagu amaano inaanay wax musuq ah samayn oo ay nadiif tahay si indhaha dadka loo majara habaabiyo

Dadka arimahaa ka faalooda waxay sheegayaan in wasiirka wasaaradu maanta ku faano inuu ka mid yahay tujaarta wadanka oo hadii wasaarada laga eryo aanu dhulka u dhacayn
Hadaba madaxwayne biixi maka war hayaa arimaha noocan ah

Dhawaan ayay ahayd markii uu booqasho ku tagay gobalka gabilay madaxwaynuhu ee wasiirkani ka soo jeedo taasi oo aanay bulshada gobolku indhaha uga duwim saluuga ay ka qabaan cida uu xilka ugu dhiibay taasi oo isagoo la fadhiya ay rag iyo dumarba ku yidhaaheen waad na yaraysatay markaad xulka noogu dhiibtay cid aan uba qalmin oo aan hogaamin lahayn oo haduu cid ku xidhan yahayna jufadiisa hoose aan soo dhaafin waxayna ka cod sadeen inuu xilka gobalkan ugu dhiibo qof kii gobalkan u qalmi lahaa ee iskuwadi lahaa dadka gobalkan ku nool.

Hadaba waxay bulshadu iswaydiinaysaa Aaway aqoontii lagu sheegayey? Ma tan gobolkii uu ka soo jeeday aanu caawa dabka kala qaadanaynbaa, ma tan far hungurida wax ku qoraysaa, Ma tan kooxda ay ilmaadeerka yihiin uun shaqada qoraysaa? Ma tan uu ku jaho wareersan shirarka raaska hoosaa? Ma tan aan wali aan garan habka siyaasadeed ee dawlada uu ka tirsan yahay jahada ay usocotabaa?

La soco qormooyin taxane ah oo tooshka lagu qabanayo fadeexadaha dul hoganaya wasiirka isgaadhsiinta iyo technolajiyada Dr Cabdi wali ee aan shaqadii loo magacaabay fahminba!