Wakaaladda Qurbo-joogga oo Baaq u jeedisay Bulshada Yurub ee reer Somaliland

0

Hargeysa-(Berberanews)- Wakaaladda Qurbo-joogta Somaliland, ayaa baaq culus u jeediyey dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalalka Qaaradda Yurub, gaar ahaan Carriga Ingiriiska, isla markaana u soo jeedisay  inay aqoonsi buuxa ka dalbadaan dunida caalamka maalinta bishani 23-ka tahay oo uu shir Soomaaliya loo qabanayo oo ka furmaya magaalada London.

Guddoomiyaha Wakaalada Qurb- joogga Somaliland Saleebaan Maxamed Faarax ayaa ugu baaqay Qurbo-joogga Somaliland ee ku nool Waddanka Ingiriiska iyo Guud ahaan Qaarada Yurub inay isu diyaariyaan banaan bax lagu dalbanayo aqoonsi ay Jamhuuriyada Somaliland dunnida inteeda kale kaas oo lagu beegayo shirka ka qabsoomaya dalka Ingiriiska dabayaaqada bishan aynu ku guda jirno ee feberwery.   

Baaqan ayuu gudoomiyuhu ku sheegay in qurbo jooga Somaliland ay taageero hiil iyo hooba leh la garab joogaan aayo ka tashiga iyo difaaca qaranimada Jamhuuriyada Somaliland.

Gudoomiyaha Wakaalada Qurbo jooga Somaliland Saleebaan Maxamed Faarax waxa uu xusay in Xukuumada Somaliland oo ku hadlaysa rabitaanka iyo doonista Shacbigeedu ay ka qayb galayso 23 bishan Feb shirka lagu qabanayo Uk, taas awgeed waxay Wakaaladu ugu baaqaysaa Qurbo jooga JSL ee ku nool Cariga Ingiriiska iyo dhamaan dalalka kale ee Yurub inay isu diyaariyaan banaan bax salmi ah oo lagu muujinayo taageerida Xukuumada Somaliland ee ka qayb galka shirkaas iyo rumaynta rabitaankeena ku wajahan inaan beesha caalamka ka dalbano inay inoo aqoonsadaan ka mid noqoshada Somaliland ee qaramada adduunka.

Gudoomiyahani waxaa kale oo uu qurbo jooga u soo jeediyay in banaan bax aan ka duwanayn kii 18 May ee sannadkii 2011-kii ay maantana ugu muujiyaan dawlada ingiriiska ee shirkan marti gelinaysa iyo dawladaha kale ee ka qayb qaadanaya inaynu tusno sida qarankani ugu xusul duuban yahay inuu citiraaf buuxa ka helo adduunka intiisa kale isla markaana banaan baxa la samaynayaa lagu muujiyo calanka oo ah astaanta qaranka, iyo halku dhigyada doonista Xaqa ay ummada Somaliland ugu leedahay dunnida inteeda kale. 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.