Walaalaheen [Somalia] waxaynu u arki in ay bogsadeen marka ay qiraan in somaliland yahay dal madaxbanaaan

0

Qore: Prof: Cadi Xussein Maraykan ( Cabdi Flossy)

 Somaaliland waxay gobonimadeedii ka qaateen dalka Ingiriiska 26 June 1960. Shan cisho ka dib xoriyadaas waxay Somaliland calankii Buluuga ahaa ee geysay oo si shuruud la’aan ah ugu biirtay Somalidii uu guumaysan jiray Talyaanigu oo iyaguna xornimada qaatay 1 July1960.

Midnimada Somaliland la gashay Somalia oo ahaa mid aan laga fiirsan balse waxa halkaa ku midoobay laba dal oo markii hhoreba kala madax banaana, kuwaasoo samaystay Jamhuuriyaddii loo yiqiin SOMALI REPUBLIC . January 1991, dagaal dheer ka dib waxaa xukunka laga tuuray keligii-taliye Siyaad Barre xakuumadii SOMALI REPUBLIC halkaas bay ku burburtay midowgii Somaliland iyo Somalia, laguna kala tegay.

Somaliland oo ahayd dalkii labaad ee Somali Repuplic ee xoriyadda heshay 26 June 1960  waxay dib ula soo noqotay xoriyaddii ka luntay 31 May 1991, waxaanay muddo 21 sano ah Somaliland ku naaloonaysaa nabadgelyo, dimuqraadiyad, xasilooni iyo nidaamka doorashooyinka axsaabta siyaasadeed.

Qaybtii labaad ee Somalia waxay 21ka sanno ee Somaliland nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda ku naaloonayso waxay ku jirtay xaalado murugo badan oo xannuun leh, waxaanay illaa haatan raadinaysaa lugihii ay isku taagi lahayd iyo maskaxdii hoggaamin lahayd.

Beesha caalamku  mar qudha kamay nasan xaaladda Somalia oo ilaa iyo maanta gacantay ku haysaa oo waxay leedahay “Ciddii waalan caalamkaa u tol ah.” Xanuunka maskaxda waxa u weheliya calool xumo iyo nolol u quudhi waa, ay Somaliland ka xunyihiin.

Taas oo keentay in ay xaqiiqada iska indha tirto.  Marka kasta oo  Somaaliland wax u kordhoba cudur baa u  kordha oo waxay geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaan inay dacaayad riqiisa ka fidiyaan Somaliland.

Waxaana u daliil ah ah ,meel walba waxay la taagan yihiin Somalia ma kala go’ karto iyada oo kow iyo labaatan sanadood kala  maqneyd. Maamuladii kala dambeeyey waxa ay ku mideysnaayeen Somalia waa mid, ma kala tegi karo. 

Shirkii London lagu qabtay oo ay Somaliland goob joog ka ahayd  waxa Sheekh Shariif loo sheegay in shaqadiisa ku egtahay bisha August ee sanadkan. Waxa kale lagu yidhi muddo kordhin laguu ma sameynaayo.

Intaa markii loo sheegaayey waxa joogay Madaxwenaha Somaliland oo muuqatay in cidda shaqada ka fadhiisin kartaa aanay ahayn Hilary Clinton ee ay yihiin shacbiga Somaliland. Waxa loo sheegay in Somalia ay ahayd laba dal, ee wada hadla sidii aydun uga tashan lahaydeen mustaqabalkiina.

Marku maqlay laba dal u wada hadla ayaa isaga oo ay cadho madaxmartay Hilary Clinton,wasiirka Arimaha debedda ee maraykanka indhaha faraha ka geliyey sida sawirkan ka muuqata.

 

Waxa ay kuugu daran tahay marka laguugu xidho qof aan caafimmaad qabin yeel keed mar haddaan waxygii haysto, marku bogsado,bal aaneego.

Waxa la yidhi berigu ingiriisku joogay Somaliland ayuu ka dhisay magaalada Berbera meel dadka dhimirka wax ka qaba lagu xanaaneeyo. Waxa dadkaas lagu odhan jirey foosto hoosta ka daloosha buuxiya. Ka bogsada ayaa yidhaahda ma buuxsameyso waatan dabada ka sii daynayso. Walaalaheen waxa aynu u arki in ay  bogsadeen marka ay qiraan in somaliland yahay dal madax banaan. Haddii waxba aynu ka garan weyno cidda gacanta ku haysa baa aynu la xaali. Bal intaa wixii ka horeysa qof aan caafimaad qabin wax walba waa ka suura gal ee ha loo feejignaado.

Cabdi Xuseen Maraykan