Ciidanka Qaranka oo Jiidda Sool oo Dhirbaaxo kulul ku dhuftay Malleeshiyo ku soo duushay iyo Khasaaraha ka dhashay

0

Gacandar-(Berberanews)- Wararka ay Shabakadda Berberanews ka helayso jiidda hore ee Bariga Somaliland, ayaa sheegaya in dagaal kululi saaka ka qarxay jiidda Laascaanood, kaasoo la sheegay inay Malleeshiyada taabacsan Dagaal-ooge Cali Khaliif Galaydh weerar ku soo qaadeen Fadhiisin Ciidammo ka tirsan kuwa Qaranka Somaliland jiidda koonfurta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Sida ay sheegayaan warraku dagaalka oo qarxay abbaaro lixdii subaxnimo iyo afartan daqiiqo, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, ka dib markii ay Ciidammada ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dhirbaaxo kulul ku dhufteen Malleeshiyada isa soo urursatay.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka qarxay meel lagu magacaabo Gacan-dar, halka ay wararka qaarkood tibaaxayaan in goobo kale dagaalku ka dhacay oo ka tirsan Jiiddaas.

Illaa hadda warar faahfaahsan lagama hayo khasaaraha dagaalka iyo sida wax u dheceen, hase-yeeshee, sida ay Berberanews u tibaaxeen warar doceedyo laga helayo jiiddaas, Malleeshiyada dagaal-ooge Galaydh ayaa maalmihii u dambeeyey isku urursanayey jiidda Bariga Gambadha, halkaasoo ay saaka ka soo duuleen, hase-yeeshee, waxay wararku intaa ku darayaan inay dhirbaaxo kulul kala kulmeen Ciidanka Qaranka.

Warkaas oo faahfaahsan iyo wixii ka soo kordha dagaallaadaas kala soco Berberanews.com

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.