Waraabe oo la kulmay Madaxweyne Sheekh Shariif

0
Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Dubai-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal cali waraabe , ayaa magaalada Dubai kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dawladda Ku meelgaadhka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Eng. Waraabe oo BBC-da waraysi siiyay, ayaa sheegay inuu Shariifka kala hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa wada-hadalkii bulshadda caalamku u soo jeedisay Somaliland iyo Somalia oo xukuumadda Somaliland ka biyo diiday. “ Waa tii shirkii London lagu go’aamiyey inay wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya markaa arrimahaa sidii loo dardargalin lahaa oo uu u suurto gali lahayd, ayaanu Madaxweyne Shariif ka wada sheekaysanay kulankayagu waxa uu ahaa kulan shakhsiya.”ayuu yidhi Eng. Faysal.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu shariif u soo jeediyay in laga saaro wada hadaladda labada xubnood ee Puntland ee uu ku soo kordhiyay Gudidii wada hadalka.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu kulankaasi ku dhamaaday is af-garad oo ay isla qaateen Madaxweynaha dawladda TFG-da inuu tixgelinayo tabashada Somaliland isla markaana aan lagu dirqiyayn wax aanay ogolayn.

Somaliland waxay qaadacday wada hadalkii dhex mari lahaa Somalia, ka dib markii ay ku eedaysay Sh. Shariif inuu carqaladeeyay jawigii uu ku qabsoomi lahaa wada hadalkaasi oo uu ku soo daray laba xubnood oo ka soo jeeda Puntland.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu noqonayaa Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee mucaarid Somaliland ah oo kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com