Wararkii u danbeeyay ee Roobab saacado badan ka da’ayay Gobolka Saaxil

0

Berbera-(Berberanews)-Roobab waaweyn, ayaa 6dii saacadood ee u danbeeyay si xidhiidha uga da’ayay magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.

Roobka Berbera ka daayey oo aan ilaa hadda la sheegin wax khasaare ah oo uu geystay, islamarkaana ah roob aan wax dabayl ah wadan iyo duufaan toona.

Dadweynaha Berbera, ayaa wadnaha farta ku haya oo ka cabsi qaba dooxyada waaweyn ee Badda Biyaha ku shubaa inay magaalada ku soo fatahaan.
Waxaana ilaa shalay dawladda Hoose waday hawlgallo ay ku moosayso dooxyadaas.

Dhanka kalena, Degmada Mandheera ee gobolka Saaxil ayey ka da’een roobab ay ku diirsadeen bulshada degmadaasi.

Subaxdii hore ee saaka ayey roobab xoogani ka bilaameen degmada Mandheera iyo deegaannada hoosyimaada qaarkood, roobabkaasi oo ay ku diirsadeen bulshada degmadaasi, ilaa hada wax khasaare ah oo roobabkaas ka dhasay ma jiraan.

Hay’adda udiyaargarawga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka ayaa maalmihii u dambeeyey ka digeysay roobab duufaano wata oo ku soo waajahan gobollada qaarkood, bulshada deegaannaadaasna ka codsatay in ay ka fogaadaan meelaha jeex-jeexyada iyo biyo mareenada ah.

Berberanews.com, info@berberanews.com