Warbixin: Codbixinta Doorashada Madaxtooyada Djibouti

0

Djibouti-(Berberanews)-Dadka reer Jabuuti oo ayaa maanta u darreeray  goobaha codbixinta doorashooyinka madaxtinimo oo si rasmi ah uga furmay guud ahaan Dalka.

Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle oo saaka codkiisa dhiibtay ayaa muddo 22 sano ah soo xukumayay, waxaannuu markii shanaad ka qaybgalayaa doorashada dalkaasi.

Xisbiyada mucaaradka ee ugu waaweyn dalka Jabuuti ayaa qaadacay ka qeybgalka doorashada madaxtinimo ee dalkaasi.

Madaxweynaha waxaa xilkan kula tartamaya  ganacsade caan ah oo si weyn looga yaqaan Dalkaasi,kaas oo lagu magacaabo Zakaria Ismail Farah, oo ah 56 jir ku cusub siyaasadda.

Dad gaadhaya ilaa 215,000  oo ruux ayaa loo diiwaangaliyay in ay ka codeeyaan dalkaasi Jabuuti.

Taariikda doorashooyinka Djibouti

1999 – Madaxweyne Abtidoon wuxuu shaaciyay in uusan u tartami doonin xilka madaxweynaha. Ka dib Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha.
2003 January – Isbeheysi uu hoggaminayay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee axsaab badan ay ka qeyb galeen ee baarlamaanka – tan iyo xilligii xuriyadda ee 1977.

2005 April- Doorashadii madaxtinimada, Geelle wuxuu ahaa musharraxa keli ah ee ka qeybgalay

2008 February – Xisbiga talada haya ayaa ku guuleystay dhammaan kuraasta 65-ta ah ee baarlamaanka, ka dib markii ay doorashada diideen seddaxdii xisbi ee kale.

2010 April – Baarlamaanka Jabuuti wuxuu ansixiyay isbedello u ogolaanayay madaxweynaha in uu mar seddaxaad xilka u tartamo.

2011 April – Madaxweyne Geelle ayaa ku guuleystay doorashada ay qaadeceen mucaaradka.

2013 February – Axsaabta Mucaaradka waxay ka qeybgaleen doorashadii baarlamaanka ka dib markii ay qaadeceen middii madaxtinimada. Balse way diideen natiijadii ka soo baxday. Xisbiga talada haya ayaa helay 49 kursi oo ka mid ah 65-ta kursi ee baarlamaanka.

2016 April – Madaxweyne Geelle ayaa markii afaraad ku guuleystay doorashada madaxweynaha, inkastoo doorashadii 2010-kii uu sheegay inaanu tartami doonin.

2021 March – Axsaabta Mucaaradka ayaa markale diiday in ay ka qeybgalaan doorashada madaxtinimada oo ay ku tilmaameen mid aan cadaalad ahayn.

2021 -9 April – Shacabka jabuuti waxay u dareereen codeynta doorashada oo ay ku tartamayaan madaxweyne Geelle oo doonaya in marshanaad uu xilka qabto iyo musharaxa ganacsadaha ah ee Zakariya Ismaaciil Faarax