Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland oo soo iibsatay Gaadiid

0

Hargeysa-(Berberanews)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Dirir ayaa waxa uu sheegay in gaadiidkan tiradoodu dhan tahay toban gaadhi oo kala duwan,isla,markaana Wasaarada Horumarinta Biyaha kaga shaqaynaysmso ceelal tiro badan oo ku yaala Gobalada dalka.

Maxamed Xasan Dirir oo ka hadlayay Munaasibad maanta loo qabtay gaadiidkan ayaa waxa uu yidhi “Wasaarada Horumarinta Biyaha waxa ay la wareegaysaa Toban gaadhi oo kala duwan oo labo goor kala yimid qaybtii labaad ayaanu halkan kula wareegnay,waxaana faadiidkani iskugu jiraa gaadiid Wiishasha iyo gaadiidkii loogu talo galay in Gobalada lagu tago.waxaana Wasaarada ka shaqaysaa Ceelal tiro badan oo ku dhaw 500 Ceel iyo 300 Ceel oo kuwii yaryaraaya iyo Baliyo tiro badan oo dalka oo dhan ku yaala,”.

Sidoo kale Maxamed Xasan Dirir ayaa waxa uu Sheegay in Gaadiidkan u dalbadeen si ay Wasaarada Biyaha u gudato Waajibaadkeeda ugana jawaabaan Baahiyaha jira.waxaana uu yidhi”Gobalada dalka Isku duwayaal ayaa Wasaarada Biyaha u jooga Xarumo waa ku leedahay, si joogta ah waxa u soo baxa cilado iyo Ceelal dayactir u baahda wakhtiyadda Jiilaalka waaka sii hawl badan yihiin sababta oo ah isticmaal xooga ayaa ku dhaca Ceelasha.taasina waxa ay keentaa in Bamamku xumaadaan loona baahdo in si degdega looga jawaabo waxna looga qabto. Wasaarada Horumarinta Biyaha iyada oo doonaysa in ay gudato waajiibaad keeda ayay gaadiidkan u dalbatay Umadda Somaliland ayaa loogu shaqaynayaa,waxaana loo kala diri doonaa Gaadiid kan isku duwayaasha Wasaarada Biyaha ee Gobalada dalka si ay uga jawaabaan Baahiyaha,”.

Berberanews.com, info@berberanews.com