Wasaaradda Tamarta Somaliland oo hoos u dhigtay qiimaha laydhka

0

Hargeysa (Berberanews)-Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa qiimo dhimis ku samaysay qiimaha laydhka ee dadweynaha laga qaadi jiray.

War ka soo baxay Wasaaradda, ayaa lagu sheegay in qiimo dhimis lagu sameeyay qiimaha laydhka dadweynaha iyo goobaha ganacsiga.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Wasaaradd ayaa u dhignaa sidan:-

“Guryaha dadweynaha halkii yunit waxa hore looga qaadi jiray 0.80 dollar, qiimaha cusubina wuxuu noqon doonaa 0.5 doollar.

Ganacsiga yar yar hakii yunit waxa laga qaadi jiray 0.70 doollar, qiimaha cusubina wuxuu noqon doonaa 0.50 doollar.

Ganacsiyada waawayn halkii yunit waxa hore looga qaadi jiray 0.50 doollar, qiimaha cusubina wuxuu noqon doonaa 0.30 doollar.

Halka goobaha kale ka baxsan intaas qiimihii hore looga qaadi jiray uu ahaa 0.70 doollar, halka uu imika qiimaha cusubina noqon doono 0.50 doollar.

Ugu dambayn warsxaafadeedkaas ka soo baxay wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland waxa lagu sheegay in wasaaraddu sii wadi doonto dadaaladeeda ku aadan in muwaadiniinta Somaliland ay helaan adeeg laydh oo qiimihiisu jaban yahay.”

Berberanews.com, info@berberanews.com