Wasiir Dubbe oo ka digay fowdo ka dhalata Xubnaha Somaliland ee doorashada Somalia

0

Muqdisho-(Berberanews)-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa ka hadlay muranka ka taagan xulista xubnaha Gobollada Waqooyi ee doorashada Somalia.

Wasiir Dubbe wuxuu ku dooday in xulista xubnahaas shirarkii la gay laysku waafaqay in dawlladdu soo magacowdo, isagoo ka digay fowdo ka dhalan karta buu yidhi, “dad suuqa jooga oo wadada maraya ayaa waxay leeyihiin ‘anagu aanu qorno”

ayaa kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Ddalka sida doodda xoogan ee ka taagan guddiyada doorashada, arrinta xildhibaanada gobolada Waqooyi iyo hadal dhawaan uu dhowaan ku duray Mucaaradka.

“Waxaynu rabnaa in dalkani u guuro dimuqraadiya oo xasiloon, oo barwaaqo ah oo isjecel. Tusaale ahaan Guddida Somaliland doorashadeeda maamulaysa statekii waxaa laysla gartay oo shirkii Samareeb iyo kii muqdishoba lagu heshiiyay in dawladdu soo magacowdo, dad suuqa jooga oo wadada maraya ayaa waxay leeyihiin ‘anagu aanu qorno’ haddii taasi dhacdo sow fowdo dhico mayso.” Sidaas wuxuu Wasiir Cisman ku sheegay waraysi uu siiyey VOA.

Halkan ka dhegayso Waraysiga Wasiirka Warfaafinta oo dhammaustiran.

Berberanews.com, info@berberanews.com