Wasiir Dubbe:Jidka dowladnimada iyo jidka dowlad la’aanta

0

Todobaadkan dhammaaday waxa warbaahinta qaar la soo geliyey warar been abuur ah oo ku saabsan in Soomaaliya uu qaaliyoobayo hubkii la isku gumaadi jirey. Waxan is weydiiyey tolow maanta miyuu jiraa qof Soomaali ah oo shacab ah oo baahi u qaba qori, xabbad, dil iyo barakac. Jawaabtu waa MAYA, laakiin Rabbi Subxanahu watacaalaa wuxu Suuratal Axzaab isaga oo nebigiisa Muxamad (CSW) la hadlaya ku yidhi “Nebi Allow Ilaahay ka cabso”.

Culimadu waxay ku fasiraan aayaddaas xusuusin iyo baraarujin. Sidaas oo kale inkasta oo aan aaminsanahay in aanu jirin qof Soomaali ah oo maanta xiise u qaba in uu qori gato! ama ku laabto jidkii dowlad la’aanta, haddana haddiiba uu jiri karo qof ku fikiri kara qori, xabbad, dirir sokeeye iyo dowlad la’aan waxan rabaa in aan u reebo xusuusin iyo baraarujin.

Markii 1991kii dowladnimadeenii weynayd duntay gobolna kama badbaadin qasaarihii dowlad la’aanta. Waxan xog-ogaal u ahay in 18kii Gobol ee dalku lahaa xiligaas dhammaantood uu ka dhacay dagaal sokeeye, dadkii ku noolaa ee shacabka ahaana ay dhibaatoodeen oo qaxeen.
Aniga laftayda ayaa kamid ahaa dadkii ugu yaraan qaxay illaa 5 jeer.

Ogow, fawdada iyo abaabul aan sharci ahayn waa cadawga koowaad ee dowladnimada.

Jidkii dowlad dumintu wuxu ahaa Jid dheer oo mugdi badan, waa jidkii inoo horseeday burburka iyo dowlad la’aanta. In aan jidkaas marno waxa sababay innaga oo aan aqoon marka dowlad la dumiyo waxa ka dhasha.

Maalin ayaa Aniga oo dhiganaya cashar ku saabsan awoodda dowladaha “Why do people accept the authority of the State?” ayaa macalinkii ku dheeraaday sida dowladuhu sharciga lagu heshiiyey u fuliyaan, wiil kursiga iga horreeya fadhiyey oo Ingiriis ah baa ku dooday in aan dowlad loo baahnayn, waxan weydiiyey sababta uu u necbaysanayo jiritaanka dowladda: Kuye “haddii dowladdu meesha ka baxdo sow traffic light ka ama Samaafaraha na dhibay ee annaga oo degdegsan na joojiya laga raysan maayo”. Wiilku wuxu ka tirsanaa koox ama jamaaco ku abtirsata mabaadiida dowlad diidka ah ee loo yaqaan ‘Anarchist’. Waan ku qoslay wiilkii, waxan ku idhi meel aan dowladi jirin korontaba ma jirto, laami iyo baabuur toona la islama helo.

Aniga laftaydu wiilkaas waxba ma dhaamin burburkii kahor. Maan moodi jirin in dowlad la’aantu leedahay cawaaqib ama cidhib dambeed burburkii dowladnimada kahor. Maan fahansanayn xidhiidhka xisaabeed ee ka dhexeeya nolosha iyo dowladnimada oo haddii dowlad la waayo nolosha oo dhanna la waayayo. Keligay kuma ahayn faham la’aantaas, Soomaali oo dhan xiligaas ma aqoon cawaaqibka ka dhalan kara marka dowlad lagu rido xoog. Waxan xasuustaa rag mushahar badan qaadan jirey haddana ka shaqaynayey nabadgelyo darro, markii dowladdii dhacday ee mushahar la’waayeyna ilmihii caano iyo cunto u waayey, kaddibna ogaaday laantii uu jarayey ba show waxay ahayd tii uu ku fadhiyey. Laakiin waxay ahayd xilli wax kastaa faraha ka bexeen. Nin Reer miyi ah baa waa-hore yidhi; saddex arrimood ba markii aan gaboobay baan bartay:
Awr carraabinteed
Carruur aamusiinteed
Iyo dab shidistiis.

Dowladnimadu waa sida geed damal ah, waxa ay bulshada ugu jirtaa kaalinta hooyadu ugu jirto qoyska, meel aan dowladi jirina nololi ma jirto.

Madaxweynihii 4aad ee Maraykanka James Madison ayaa laga sheegay in uu yidhi; “If men were angels, no government would be necessary” oo la micne ah haddii dadku malaaiig ahaan lahaayeen dowladba looma baahdeen, nuxurku waa dadku malaaiig aan qaldamin maaha sidaa darteed in xukuumadi jirto waa lagama maarmaan. Xikmad kalena waxay ahayd dowladnimada duminteeda waxa ka shaqeeya qofka maanta ladan ee qadada haysta, marka ay duntana waxa ka faaiida oo talada la wareega dadka xabsiyada ku jira oo marka la sii daayo qoryaha qaata. Waxan ogahay dad u badan siyaasiyiin iyo hal abuur oo qori u qaatay si ay dowlad u dumiyaan in xilli dambe ay ka shallaayeen, sababta oo ah markii goobtii dagaalka la tegey waxa taladii kala wareegay wiil gaandheri ah.

Guntii iyo gebegebadii: Soomaalida maanta waxa horyaalla laba dariiq
Jidka dowladnimada iyo qaranimada
Iyo jidka fowdada iyo dowlad la’aanta.

Sida aan kor ku soo xusay waan soo aragnay jidkaas qodxanta badan ee dowlad la’aanta oo xiise uma qabno, weliba tookadan haddii aynu kufno way adkaan doontaa sida aan u kacno ama uba soo kabano mar dambe. Weliba shisheeyihii burburkeena ka faaiidi jireyna weli dunida way joogaan.

Sidaas darteed dhammaanteen waxa inagu waajib ah in aan doorano jidka sharciga, nabadda iyo dowladnimada.

Cismaan Dubbe
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS