Wasiir iska casilay dawladda Syria iyo Kofi Anan oo ka digay tallaabo Milateri

0

Syria-(Berberanews)- Wasiir-ku-xigeenkii Salliida ee Dalka Syria Abdo Husameddine, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu u hayay xukuumadda Asad, kuna dhawaaqay inuu ku biiray kooxaka kacdoonka kula jira dawladda.

Wasiirka iscasilay oo noqonaya masuulkii ugu sarreeyay xukuumadda Bashaar Al-asad ka taga tan iyo intii kacdoonku ka dhashay dalkaas sanad ka hor, ayaa sheegay inuu go’aansaday ku-biiritaanka kooxaha ka soo horjeeda, “Ma doonayo inaan noloshayd ku dhamaysto u adeegitanka dembiyada uu keli-talisku wado.” Ayuu yidhi Abdo oo barta youtube-ka la soo geliyay.

Is-casilaada Wasiirku waxay ku soo beegmaysaa maalin ka dib markii sarkaal sare oo ka tirsan Maraykanku uu sheegay in Madaxweyne Obama la weydiistay eegitaanka hordhac tallaabo milateri oo lagu xaliyo xiisadda kacdoon ee ka socota Syria.

Haseyeeshee, u qaabilsnaha Qarammadda Midoobey ee dalalka Carabta Kofi Anana, ayaa ka digay cawaaqibka ka iman kara farogelinmilateri oo lagu sameeyo Syira, isagoo ku taliyay in xal nabadgelyop loo  maro.

Kofi Anan oo hore u ahaa Xoghayihii hore ee Qarammadda oo warbaahinta kula hadlay magaalada Qaahira ee dalka Masar,ayaa sheegay in tallaabada Milateri ay uga dartay dalal badan oo Mandaqadda ku yaala, “Waxaan filayaa inaanu jirin qof ku fekeraya in tallaabo Milateri loo adeegsado arrinta, marka aan tago Syria, waxaanu sammayn doona waxkasta oo aanu ku cadaadin karno in la joojiyo cadaawadda, dilka iyo qalalaasaha.”ayuu yidhi Kofi Anan.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com