Wasiir Kaahin oo eed samaysa dusha u saaray Faysal Cali Waraabe

0

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Ku eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali waraabe uu maalinta berri ah uu ku hanjabay masiibo ka dhacda Somaliland, warkaas oo uu meel uu la sheegay Faysal aanu jirin.

“In guddoomiyaha xisbiga leeyahay ‘Berri qas baa dhacaya, berri nabad gelyo darraa dhacaysa, berri belaayaa dhacaysa, toloow masiibada uu Somaliland u saadaalinayo halkuu isagu ka gelayaa, mise meel kaluu u socdaa isagu, nin meel kale u socda aya dadka intiisa kale masiibo u sadaliyee waxaan leenahay alle masiibo inooma keeno.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu.