Wasiir Ku Geeriyoodey Dalka Ethiopia

0


ADDIS ABABA: Wasiirkii Halaha Guud ee Koonfur Africa Roy Padayachie, ayaa maanta ku geeriyooday caasimadda dalka Ethiopi ee Addis Ababa.

Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha debedda Ethiopia, Wasiir Roy Padayachie oo shalay jimcihii gaadhay Addis Ababa oo uu kaga qaybelayay shirka Midowga Africa, waxa uu maanta ku geeriyoodey hudheelka uu deganaa Sheraton, ka dib markii xannuun wadnaha kaga soo booday.

 Madaxweynaha South Africa Jacob Zuma oo qoraal kooban soo saaray, ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaranka uu ka baxay, isagoo sheegay inuu ahaa aqoonyahan shaqo badan oo aanay ilaabi Karin South Africa.

 Radhakrishna Lutchmana “Roy” waxa uu ku biiray Xisbiga Taladda dalka haya ee the African National Congress sanadkii 1972. Isagoo sanooyinkii u danbeeyay oo uu noqday Wasiirka Isgaadhiinta, Hawlaha Guud iyo amniga.

Berberanews.com

info@berberanews.con