Wasiir ku Xigeenka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ka soo laabtay Hawlo Shaqo oo uu ugu maqnaa Gobolada Bari

0

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Soomaaliland Sahal Maxamed Jaamac oo muddo 6 bilood ah u joogay goboladda Bariga Maamul Daadajin iyo biixinta caawimooyinkii xukuumaddu u dirtay deegaankaas, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalo Madaxda Dalka ee Hargaysa.

 

Wasiir Sahal ayaa sheegay mudadii uu shaqada u joogay deegaanadaas inuu dhagax dhig mashaariic kala duwan ka sameeyay deeganada Badhan, Dhahar iyo Yube, wasiirku waxa kale oo uu sheegay in uu halkaasi geeyay deeqo raashin iyo gargaar kale isugu jira isaga oo ka wakiila Madaxweynaha iyo Xukuumadda Soomaaliland ee ka tirsan yahay.
Wasiirku waxa uu dhanka kale digniin u diray maamul goboleedka Puntland Somaaliya oo uu sheegay in ay faro galin ku hayaan dadka iyo deegaanka bariga gobolka Sanaag.

Ugu danbayntii Wasiir Kuxigeenku waxa uu si cad u beeniyey warar aan xaqiiqo ahayn oo la geliyey baraha Bulshada ee Interanetka oo ahaa in uu shaqadda ku joogo Madaxweyne kuxigeenka Soomaaliland Madaxiisa, Wasiir Kuxigeen Sahal ayaa sheegay in uu shaqo kasta wakiil uga yahay Madaxweynaha Soomaaliland iyo Xukuumaddiisa, Wasiir Kuxigeen Sahal waxa uu inta badan gacan weyn ka geysta hawlaha Nabadaynta, Maamul Daadajinta, Gurmadka Abaaraha iyo Xanuunadda Halista ah waxaana haaboon in uu helo Xilka Wasiir Buuxa ( Full Minister) maadama deegaamadda loo diraayo dadka ku nool ay Soomaaliya farogalin ku hayso isla markaana ay ku beerlaxawsanayaan xilal ay dadkaas uga magcaabaan Dawladdooda Maqaar-saarka ah ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedka Puntland soomaaliya.