Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada oo ka hadlay arday Banaaddir u boqoolay iyo arday deeq waxbarasho u tagaysa Sudan

0

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mr. Cali Xaamud Jibriil, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay cabasho iyo eedayn is-barkan oo ka soo yeedhay arday iyo waalidiin reer Somaliland ah oo Banaaddir isaga boqoolay iyaga oo raadinaya deeq waxbarasho oo ay ka helaan dawladda ku-meel-gaadhka Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee Hargeysa, waxa uu sheegay in toddobaadkan ay dalka Sudan u diri doonaan 13 arday oo ka tirsanaa 50 arday oo sugayay deeq waxbarasho oo ay dawladda Turkigu u fidisay Somaliland .

Cali Xaamud Jibriil, waxa kale oo uu sheegay in ardaydani ay wax ku baran doonaan Jaamacad ku taala dalka Sudan, isla markaana ay dawladda Turkigu kafaalo qaadday kharashaadka ku baxaya muddada ay waxbarashada ku jiraan.

Waxaa kale oo  uu tilmaamay Wasiir ku-xigeenku in ardayda soo hadhay ay iyana dhawaan bixi doonaan, isagoo intaas ku daray inay hore Turkiga u tageen 35 arday oo reer Somaliland ah, kuwaas oo haatan wax ka barta Jaamacado ku yaalla dalkaasi.

Cali Xaamud Jibriil, waxa kale oo uu ka hadlay Konton arday oo Somaliland ah oo ku go’doonsan Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya iyo kuwo ka soo laabtay, waxaanu sheegay in ardaydaas iyo waalidiintoodu ay go’aansadeen inay halkaasi tagaan iyaga oo aan wax oggolaansho ah ka haysan Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

Waxa uu Wasiir ku-xigeenka Wasaarada waxbarashadu intaas ku daray in qaabka ay u baxeen ardaydaasi aanay Wasaaraddu waxba kala socon, isla markaana ay qaar ka mid ahi dalka dib ugu soo laabteen markay soo hungoobeen ka dib.

Waa markii ugu horreysay Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ay ka hadlaan eedaynta iyo cabashooyinka is-huwan ee Ardayda iyo waalidiinta Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya iska tagay iyaga oo ka talo-goostay Wasaaradda waxbarashada, ka dibna ku gadoomay halkaas oo ay qaarkood dib uga soo noqdeen, kuwo kalena weli  quudda-raynayna inay ujeeddadooda ay halkaa u tageen ku guulaystaan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.