Wasiir Xirsi Cali X. Xasan oo Masuul cusub u magacaabay Madaxtooyada Somaliland

0

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somalilad Xirsi Cali X. Xasan, ayaa caawa magacaabay Madaxa Baratakoolka Xafiiska madaxtooyada, ka dib markii dhawaan Madaxii Baratakoolka qasriga loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu u magacaabay madaxa Xafiiska Protocol-ka Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi). Waxaana sidaa lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waxaanu u qornaa sidan:-

“Xeer Wasiir Lr. 001/042012

Magacaabid

Ku: Mudane, Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi)                 Hargeysa

Og: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada                                                     Hargeysa

Og: Agaasimaha Xisaabaadka Madaxtooyada                                             Hargeysa

 Ujeedd:         Magacaabid

Markaan Arkay: Aqoonta iyo Kartida aad u leedahay nidaamka Protocol-ka ilaalinta habsami-u-socodka hawlaha Xafiiska madaxtooyada, laga bilaabo taariikhda qoraalkan waxaan kuu magacaabay in aad noqoto madaxa Xafiiska Protocol-ka Madaxtooyada JSL.

Sidaa darteed, waxaan kaa rejaynayaa in aad si hagar la’aan ah u gudan doonto waajibaadkaaga shaqo.”

Allaa mahad leh.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.