Wasiirka arrimaha gudaha oo amarray Xadhigga Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Tirada Shaqaalaha ay Boolisku ka soo xidheen Dacar-budhuq

0

Hargeysa, 26 Jan, 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa amar ku bixiyey in Xabsiga loo taxaabo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, hal Agaasime waaxeed iyo shan kale oo shaqaalaha Wasaaraddaas ka mid, ka dib markii ay hawl-shaqo oo Wasaaraddooda khusaysa u tageen magaalada Dacar-budhuq ee Degmada Laas-geel oo gobolka Hargeysa ka tirsan.

Sida ay Wargeyska Ogaal u sheegeen ila-wareedyo ka agdhawaa hawlgalkaas, Agaasimayaha Waaxda deegaanka gobolka Hargeysa Yuusuf Colaad oo ay weliyaan shan ka mid ah hawladeennada Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayey Ciidammada ammaanku Xabsiga dhigeen Xalay, ka dib markii uu Wasiirka arrimaha guduhu Mr. Duur amar ku bixiyey in iyaga iyo gaadiidka ay wataanba Xabsiga loo taxaabo iyaga oo ku sugan magaalada Dacar-budhuq oo laga soo xidhay. Kuwaasoo xalay-ba lagu soo xidhay xarunta Ciidammada baadhista dembiyada ee C.I.D-da magaalada Hargeysa.

Haddaba, si aannu arrintaa wax uga weydiinno waxa Wargeyska Ogaal isku dayey inuu khadka taleefanka kula xidhiidho Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), balse noomay suuragelin inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii uu naga qaban-waayey taleefankiisa gacanta oo aannu dhawr jeer oo xalay ah ka wacnay. Hase-yeeshee, warar xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Ogaal u sheegay in amarka Wasiir Duur ka dambeeyey hawlgal ay Wasaaradda Deegaanka shaqaalaha ka socday ku nadiifinayeen deegaanka Dacar-budhuq, gaar ahaan arrin la xidhiidha Wershadaha Hargaha iyo Saamaha ee duleedka Bari ee magaalada ku yaalla oo laga soo sheegay nadaafad-darro, sumay wax yeelaya, dadka, duunyada iyo deegaanka ay ku dhaqan yihiin ee degmada Laas-geel. Iyada oo sida la sheegay hawlgalka ay Agaasimaha Waaxda deegaanka Wasaaradda Deegaanka iyo hawl-wadeennada la socday ku tageen Dacar-budhuq inuu ka dambeeyey wareegto uu dhawaan soo saaray Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer guuraaga Somaliland, taasoo uu ku wargeliyey Masuuliyiinta Wershadaha Hargaha iyo Saamaha Dacar-budhuq inay hadhaaga kiimikooyinka iyo Hoodhka hargaha ka soo hadha lagu qubi karin deegaannada u dhaw magaalada, kuna faray in laga fogeeyo deegaanka dhaw, si loo badbaadin kara caafimaadka dadka, duunyada iyo deegaanka oo ay la sheegay inay khatar badan ku hayso wasakhda Wershadahaasi, isla markaana dadka deegaanku marar badan ku cawday inay halis caafimaad oo saamaynaysa dadka, deegaanka iyo duunyada ay ku haystaanba haddaan wax laga qaban.

Si kastaba ha ahaatee, lama garanayo sababta keentay xadhiggan uu Wasiirka arrimaha guduhu amarka ku bixiyey in la soo qabqabto xubnaha Wasaaradda deegaanka ee shaqadooda gudanayey. Waxaanu warku intaa ku daray inaan la soo qaban Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka Maxamed Faarax oo isaga la sheegay inuu Duu amar ku bixiyey in la soo xidho, balse la sheegay in Madaxa Booliska ee amarka la siiyey inuu ka diiday maaddaama oo uu yahay Agaasimaha guud Masuul digreeto Madaxweyneku magacaaban wax waaran ah oo loo gudbiyeyna jirin, diidmadaas oo la sheegay inay aad uga xanaaqeen Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed-Duur iyo Taliye ku-xigeenka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan-Fooxle.

Xigasho Wargeyska Ogaal.