Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlay xaaladda dalku ku sugan yahay iyo qorshayaasha Wasaaraddiisa

0

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), oo maanta hor-tegay Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa kawarramay xaaladda guud ee dalku wakhtigan ku sugan yahay, iyo qorshayaasha wasaaraddiisa ee mustaqbalka dhaw iyo ka dheer-ba.

Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed-Duur wuxuu warbixin ka siiyey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland tabobbarrada ay muddooyinkii u danbeeyay qaadanayeen cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland iyo ciidammo cusub oo dhawaan la qoray, isla markaana la barayo casharro ku saabsan la dagaallanka Argagixisada iyo baadhista dembiyada ku qaadanaya dugsiga tabobbarka Booliska ee degmada Mandheera.

Duur waxa uu halkaasi ka sheegay inay wasaarad ahaan ay ku hawlan yihiin qorshayaal lagu doonayo in si habaysan loo qalabeeyo ciidamada Booliska taasoo ay ka qayb qaadanayaan sida uu yidhi dawladda Ingiriiska iyo weliba Hay’ada UNDP.

Abuuritaanka ciidanka difaaca Madaniga ayuu Wasiirku ku sheegay inay tahay qorshayaasha ay sida aadka ah u danaynayaan si loo helo ciidamo u tababaran hawsha Dab-damiska, Xilli Ciidammada ilaalada xeebahana ay sidan  doonaan Magaca Booliska , hase yeeshee ay shaqadoodu ka duwanaan doonto.

Wasiir Maxamed Nuur Carraale (Duur) waxaa kale oo uu ka hadlay  Kordhinta Ciidammada Booliska iyo Adkaynta qalabayntooda amase agabka ay ku hawl galaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlayey halka ay marayaan hawlo nabadayn ah oo ay ka wadeen qaar ka mid ah gobollada Somaliland gaar ahaan gobolka Sanaag , wuxuu sheegay in hawshaasi ay u marayso meel wanaagsan, isla markaana ay u hadhsan tahay oo keliya kala wareejintii magaha iyo waxyaabahii soo raacayay.

Waxa uu Wasiirku sheegay in Wasaaradda arrimaha gudahuna ay qaybtii ay ku lahayd bixinta Magaha ay qayb ahaan dirtay, isla markaana inta hadhay  hadda la diyaarinayo.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.