Wasiirka Ciyaaraha oo ka qaybgalay sannad guuradii labaad ee ka soo wareegtay aasaaska naadiga kubada cagta ciidanka asluubta

0

Hargeysa (Berberanews)- Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa maanta ka qayb galay xus loo sameeyay sannad guuradii labaad ee ka soo wareegtay aasaaskaas naadiga kubada cagta ee ciidanka asluubta oo lagu qabtay taliska Ciidanka Asluubta ee Magaalada Hargaysa.

Waxa kale oo xafladaasi ka qeyb galay ku xigeenkiisa Xasan Cali Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cadaalada Maxamed Muuse Galaydh.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay sababta ay xafladaasi u soo qaban qaabiyeen inay la xidhiidho sidii dhalinyarada ku ciyaarta magaca ciidanka asluubta ay ugu dhiirigalin lahaayeen xirfada ciyaaraha, taliyuhu waxa uu intaas ku daray inay farxad u tahay in Tartanka Ciyaaraha bariga africa ee dhawaan lagu qaban doono dalka Yugaandha ay shan xubnood oo u ciyaaraha ciidanka asluubtu ay ka qayb gali doonaan.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo madashaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in Maskaxda fayoobi ay ku jirto jidhka caafimaad ahaan bed qaba, waxa uu Wasiirku ku amaanay Ciidanka Asluubta dadaalkii dhinacyada badan lahaa ee ay ku talaabsadeen mudadii ay Xukuumada uu ka tirsan yahay hogaaminta qaranka haysay isagoo sheegay inay wax muuqda ku soo kordhiyeen qaab dhismeedka Ciidanka gaar ahaan dirayska,Gaadiidka iyo wixii la hal maala.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu waxa uu sheegay inay Wasaarad ahaan mar walba dhiirigelinayeen xirfadaha kala duwan ee Ciyaaraha waxaanu ku guubaabiyay Ciyaartoyga magaca ciidanka asluubta ku ciyaara inay halkaasi ka sii wadaan dadaalkooda ku aadan tayada dhinaca Sportiga.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cadaalada iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta kuwaasi oo ka waramay ahmiyadda ciyaaruhu u leedahay dhalinyaradda iyo guud ahaan bulshadda, waxaanay kooxdan u soo jeediyeen inay dedaal balaadhan u galaan sidii ay guulo uga soo hoyn lahaayeen tartammadda ciyaaraha.

Mustafe Kastam

Barnaamijka Ciyaaraha

Email,kastam@berberanews.com