Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo Sheegay Khasaaraha Ciidanka Qaranka Soo Gaadhay, Tirada Maxaabiis iyo Gaadiid ay qabsadeen

0

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ayaa caawa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha dagaallo saaka ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle, kuwaasoo illaa galabta socday.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo fiidkii caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland gacanta ku dhigeen Sagaal Gaadhi oo afar ka tirsani Baabuurta Ciidanka ee Tignikada ah yihiin, halka shanta kalena ay Gaadiid Xamuul ah yihiin.

Wasiirka oo dagaalka ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Xabbaddu markay muddo socotaba dhinac bay u janjeedhsanaysaa, waxay u janjeedhsatay dhinaca Malleeshiyada soo duushay, dib ayaa loo baacsaday, waxa la isla jiidhay deegaannada la yidhaahdo, Xagar, Gacan-dar, Karan-dabayl, Kala-baydh oo degmada ugu ballaadhan ah ayaa la isla gaadhay, waxaana hadda halkaa ku sugan Ciidammada Somalilnad. Meesha nidaam dawlad-nimo,kala dambayn iyo kala amar-qaadasho ayaa ka jirta dhinaca Ciidanka. Waxay ahayd inaanay Ciidanka Qaranku weerar qaadin, ee ay difaacooda adkaystaan, taasaanay sameeyeen, sida ku-tiri-kuteenka ah ee hadda la sheegayo wax ugu dhicin.”

“Natiijada, Waxa lagu qabtay sagaal gaadiid ah, afar tigniko ah iyo shan xamuul ah, waxa lagu qabtay maxaabiis dhan 47 qof oo ay ku jiraan Wasiirro ku-sheeg Khaatumo lagu magacaabay iyo saddex sarkaal….dhinaca Somaliland, waa afar askari oo dhimasho ah iyo 13 askari oo dhaawac ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.

Wasiir Cadami waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Way naga reebban tahay inaannu been ka sheegno bina aadam dhintay, way naga reebban tahay inaannu duulno oo aannu farta ku fiiqno in cid kale nagu soo duushay, haddii Ciidammada la weydiiyo mid waliba wuu kuu sheegayaan halkay fadhiyeen iyo wakhtiga lagu soo duulay. Annagu ma lihin diyaarado Ehlu-kobtar baa noo sawirtay, laakiin wakhigan casriga ah cid kasta oo far dhaqaajisa waa la og yahay…”

“Baaqii Nabaddu wuu farabatay, waxaanad mooddaa inuu hadda baarixi noqday, waxaannu ku celinaynaa oo aannu diyaar u nahay ummadda walaalaha ah waddadaa nabadda waddo dhaanta oo aannu u haynaa ma jirto. Ciddii ka jawaabta nabaddaa waa soo dhawaynaynaa. Waxaannu jecelnay inaannaan ka quusan, nabaddi ma qaayisto mana xumaato, laakiin waxaad mooddaa in laga dhaga-adaygay.…..”sidaa ayuu yidhi Wasiir Cadami.

Berberanews.co

Hargeysa/Somaliland.