Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland oo kormeeray Xafiisyada 

0

Hargeysa (Berberanews) – Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamed Xaaji Cismaan, ayaa Maanta kormeeray Xafiisyada Waaxaha Wasaaraddu ka kooban tahay, Xarunta guud ee Wasaaradda iyo Qalabka dhex yaalla ee loogu talo-galay in Qaranka loogu adeego, sida Gaadiidka la dagaalanka Ayaxa.

Wasiirka oo uu wehelinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Rooble Cabdi Muuse, ayaa mid mid u galay Xafiisyada Waaxaha Wasaaraddu ka kooban tahay, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Agaasime-waaxeedyada iyo Hawl-wadeennada kale ee Xafiisyadaasi, kuwaasi oo Wasiirka uga warramay hawlaha ay u qaabilsan yihiin Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Wasiir Maxamed Xaaji Cismaan, ayaa sidoo kale kormeeray Shaybaadhka Ciidda iyo Siidhka ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha, waxaana halkaa War-bixin faahfaahsan ku siiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Rooble Cabdi Muuse.

Kormeerkan oo muhiim ahaa, ayaa ahaa mid uu Wasiirku ugu kuur galayey Xaaladda guud ee Wasaaradda, Qalabka, Beeraha ku dhex yaalla Xayndaabka Wasaaradda, Shaybaadhada iyo wixii kale ee muhiim ah.