Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyey ujeeddada Kormeer Kedis ah oo uu maanta ku tagay goobaha Dakhliga ee Berbera

0

Berbera-(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa booqashadiisii ugu horreysay ee shaqo saaka salaaddii hore ugu kicitimay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, halkaas oo uu kulammo kula yeeshay Masuuliyiin kala duwan, isla markaana ugu kuur-galay habsami-u-socodka shaqo ee goobaha Dakhli-ururinta ee Wasaaraddiisa hoos yimaadda.

Wasiir Samaale waxa uu kormeeray Kastamka Cashuuraha magaalada Berbera, Xafiisyada kale ee dakhli-ururinta, isla markaana warbixinno ka dhagaystay masuuliyiinta goobahaas. Waxa kale oo uu Wasiir Samaale kulan la yeeshay madax kala duwan.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kulammadaa ka dib Warbaahinta kula hadlayey Huteel Maansoor ee magaalada Berbera, ayaa ka warbixiyey ujeeddada socdaalkiisa iyo waxyaabaha uu kala kulmay shaqaalaha Maaliyadda ee Berbera. Waxa uu sheegay inuu Berbera u tagay kormeer hawleed caadiya, kaasoo ay isku baranayaan Shaqaalaha iyo Maamaulka Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Saaxil.

“Waxaan Berbera saaka u imi in aan qiimeeyo habsami-u-socadka hawlaha Qaranka ay Wasaaradda Maaliyaddu u hayso. Sidoo kale waxaan u imi in aan is-baranno shaqaalaha aannu isku cusub-nahay ee Wasaaradda halkan u jooga.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo muddo laba toddobaada xilka Wasiirnimo hayey.

Wasiir Samaale mar uu ka hadlayey waxyaabaha uu kala kulmay Shaqaalaha Maaliyadda ee magaalada Berbera waxa uu yidhi; “Runtii aad ayaan ugu farxay sida wanaagsan ee ay hawshooda u wataan, iyo xilka ballaadhan ee ay iska saareen Qarankan ay u hawlgalaan, aniga oo saaka xilli hore imi haddana shaqaalahu xilli wanaagsan ayay yimaaddeen, waxaanan leeyahay waad ku ammaanan tihiin arrinkaas. Hawlahii aan Berbera u imina si fiican ayey noogu dhammaadeen”.

Wasiirku waxa kale oo uu Saaka Xafiiskiisyadooda kulan kula yeeshay Duqa Degmada Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cali Maxamed Cilmi, iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali-Xoor-Xoor).

Safarkan saaka ee Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ku tagay magaalada Berbera, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee tan iyo intii uu xilka u magacaabay Madaxweynaha Somaliland, uu ku tago meel ka baxsan magaalada Hargeysa, isagoo xilkaas hayey muddo laba toddobaada, inkasta oo uu maalmihii ugu dambeeyey Xafiisyada dakhli-ururinta ee qaybaha Hargeysa kormeerro u kuur-gelid ah ku maray. Isla maantaba Wasiirku waxa uu ku laabtay Caasimadda dalka Somaliland ee Hargaysa oo uu salaaddii hore ee saaka ka ambabaxay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.